DEG DEG WARBIXIN DUUXDA:Xaalada Puntland oo Allow Sahal Ah cali Saleebaan oo Boosaaso ka Mamnuucay Puntland

Dagaal Ugu Xumaa Ayaa laga Cabsi Qabaa Gobolka Bari kadib markii beelaha Gobolka Bari diideen Siyaasada Madaxweynaha Puntland Siciid cabdulahi deni,Waxaana Ugu Weyn Beesha cali saleebaan oo Maleeshiyaad ka Tirsan maal mahani Boosaaso La Wareegeen.

Maleeshiyaadani Ayaa Sidoo kale Tageero ka Helaya Beesha Warsan gali Iyo Beesha Dishishe,Odayaasha Gobolka Bari Ayaa Wadey labada Maalin ugu danbeeyey Waan waan Ay doonayaan Inay xal Uga Keenaan Tabashadani Isla Markaasina Meesha Uga Qaadaan Ciidamada Hubaysan ee Maleeshiyaadka.

Odayaashani Ayaa Ugu Baaqay inaysan Xukumada Deni Awood u Isticmaalin Ciidamada Maleeshiyaadka Si Aysan Dhibaato Weyn uga Imaan.

Wararkii ugu dambeeyey aan ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi Boosaaso ay iskaga baxeen ciidamadii malayshiyaadka ahaa ee maalmo ka hor la wareegay, kadib markii xal waara laga gaadhay xiisadii u dhaxaysay iyaga iyo ciidamada Puntland.

Ciidamadani oo ay sii galbiyeen qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka Bari iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu hogaaminayey gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Abwaan si aysan isugu dhicin ciidamadii ku sugan inta u dhaxaysa magaalooyina Boosaaso iyo Carmo.

Odayaasha dhaqanka gobolka Bari oo waday muddooyinkii ugu dambeeyey dadaalo nabadeed oo ku aadan xal u helida xiisada Boosaaso ayaa marar kala duwan ku baaqay in dhinacyada dirirtu u dhaxayso ay ka shaqeeyaan nabada gobolka iyo xasiloonida shacabka lagana baaqsado dagaal ka dhaca deegaanka.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. ASC.
    Qofka soo qoray qoraalka kore ee Marqaan been badan buu sheegay.Beenta uu baafinayo waxaa ka mida beesha cali sulaymaan baa qabsatay magaalada Boosaaso.Boosaaso ma qabsan karaan Cali sulaymaan awooddaasna ma leh.Haddana waa la dhammeeyey khilaafkii jirey oo hadda waa lagu kala tagay.Joogi beenta ad adigu soo aliftay.Tan Warsangeli shaqo kuma leh arintii jirtay.Warsangeli ma aha dad gala waxaan dani ugu jirin.Ma aha dad buubuuba sida reer adeekay oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*