Akhriso:- Muuse Biixi oo xilalkii ka xayuubiyay masuuliyiin ay kujiraan Wasiiro.

Madaxwaynaha maamulka Somaliland Muuse biixi Cabdi ayaa soo saaray wareegto xilalka looga qaaday masuuliyiin katirsan maamulkiisa.

Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamed Daahir Axmed Furre;

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin;

Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka

Ku: Cabdi Nuur Sugaal;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal

Ku: Naasir Ayjeex Jaamac;

Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka

Ku: Maxamed Abiib Yuusuf;

Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan:

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDO : MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland
Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal
Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*