Axmed Madoobe oo kahadlay dilkii caawa loo gaystay nabadoonkii beesha gaaljecel

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tacsi u diray dhamaan Shacabka ree Jubbaland gaar ahaan ehelada qaraabada iyo Saladiinta Jubbaland geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre oo kamid ahaa Saladiinta Jubbaland Kaas oo Dhagar qabayaal katirsan Kooxda Al-Shabaab ay caawa ku dileen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabad kuwada noolanshaha Shacabka ree Jubbaland wax badana uu wakhtigiisa u huray nabadaynta iyo walaalnimada Bulshada.

Hay”adaha amaanka ayuu Madaxweynahu faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markana ay gacanta kusoo dhigaan kuwii falkan foosha xun ka danbeeyay.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*