Bahdilaada Soomaliland ee Sucuudiga Ku Sameeyey

Markab u rarnaa Ganacsatada reer Somaliland oo labaatan Kun oo Neef oo adhi ah geeyay Dalka Sacuudiga ayaa dib loogu soo celiyay Dekedda Berbera ee Somaliland kadib sida la sheegay markii la weydiiyay ee laga waayay Warqadii Caafimaadka Xoolaha Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya.

Markabkan oo magaciisa lagu sheegay MV-FAHAD Ayaa Wararka Sheegayaan inuu maalin saddexaadii ka baxay Dekeda Berbera isagoo 20- kun oo Neef oo adhi ah sida, islamarkaana markii uu gaadhay Dalka Sacuudiga la waydiiyay Warqaddi Caafimaadka Xoolaha ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Soomaaliya, markii laga waayayna waxa amar lagu siiyay inuu xoolaha ku celiyay halkii uu kasoo qaaday ee Berbera.

Dhawaan ayuu dalka Sacuudigu shaaciyay in dhamaan Xoolaha uga tagaya Soomaalida oo ay kujirto Somaliland inay dalkiisa ku soo gali karaan oo qudha ogolaanshiyaha warqaddaCaafimaadka ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, taasi oo qudhana uu aqoonsan yahay, arintaasi ayaa waxa ganafka ku dhufatay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Islamarkaana waxay Somaliland markii dambe shaaciyay inuu Sacuudigu ka ogolaaday inuu si gaar ah ula macaamilayo Xoolaha Somaliland iyo Dekeda Berbera.
Arintan ayaa fajiciso ku noqotay Ganacsatadii Xoolahan lasoo celiyay Lahaa, waxaanay markabkan saaka Wasaaradda Beeraha Iyo Xoolaha ee Sacuudigu u soo jartay Warqaddii soo celinta, iyadoo sida lanoo xaqiijiyay uu markabkaasi iyo adhigii uu siday ay kusoo jeedaan Dekeda Berbera.

Sidoo kale waxa uu caawa walaacii ugu cuslaa soo food saaray Ganacsatada Boqolaal Kun oo neef oo adhi ah oo ku xeraysan Maxjaradda Dekedda Berbera kuwaasi oo u diyaarsanaa in iyagana loo raro dhinaca Dalka Sacuudiga. Majiro wax war ah oo rasmi ah oo Markabkan ku saabsan oo Kasoo baxay dhinaca Somaliland.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Markabkii adhigii waa laga rogay dawlada
    Sacuudiguma waxay amar kubixisay.
    In xoolaha xajku kayimadan berbera sidii caadada u aheyd.waxwaraaq ahna aan lagu xidhin

  2. Wararku waxey sheegayaan in markabkaas la dejiyay oo ay dejisteen Ganacsatadii carbeed iyo Baanka Islaamka ee dalbaday markii horeba.

  3. Mr Khadar Guuleed Reysalwasaare ku xigaanka dawlada federaalka Soomaaliya ayaa fasaxay oo waraaqdii fasaxa ka qoray wasiirka xoolaha dawlada federaalka xoolo dambe oo fasax la’aan tegaya Sacuudiga oo aan waraaqda fasaxa Dawlada federaalka wadan ma jiri doonaan inay ka dhoofaan geyiga Soomaaliyeed yaan dadka been iyo huuhaa loo sheegin oo lagu wareerin reero marqaan filimkaas wuu dhamaaday The End Finito.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*