Beesha Warsangali Iyo Beesha Dhulbahante Waa isku Dan ee Kuwa Ka Qeyliyey Waa Cadowga SSC!

Muqdisho(Marqaannews.net)-Baraha Bulshada Waxaa Aad Loogu Faafinayey Kooxo Hadalkooda Kusoo Sal Uga Dhigaya Inuu Yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulahi Farmaajo Qabiilayste,Waxayna Intaasi Ku Darayeen Kooxda Eedooda Salka Uga Dhigayeen Inuu Laba Safiir Siiyey Beesha Dhulbahante.

Labada Safiir oo kala ah Turkiga Iyo itoobiya,Intaasi waxay Siidaba Dhigayeen Inuu Gudiga Wada hadalada Soomaliland  Ku daray Inuu Wakiil Uga Soo Daray Sool Wada Hadalada Soomaliland iyo Dowlada faderalka Soomaaliya.

Inkasta oo Ana Diidayn Cadaalad darada In Sanaag Ama Ay Qeexnee Beesha Warsangali inuusan Xubnahoodi ka Helin Xukumada Madaxweyne Farmaajo Hadana Su’al Ayaan iska Weydiiyey Kooxdani Qeylinaysa”Marka Garoowe Xubin Loo magacaabo Ama Hargeysa Xubin Loo Magacaabo kama Hadlaane Maxaa Tusay Xubinta Sool oo isku Dhib Iyo Caqabad Haysato Sool,sanaag Iyo cayn”

Senator Saciido Xasan Cusmaan oo Kasoo Jeeda Gobolka Sanaag Ayaa Weerar Ku Qaaday Farmaajo oo Ay Ku Tilmaamtay Qabiilayste Inuu yahay,Hadana Senator Saciido Xasan Cusmaan waxaa Muqdisho Intii Ay fadhidey Maalin Kasta Xubnahii Sool,Sanaag Iyo cayn Ku Boobayeen Garoowe,Hargeysa Iyo Muqdisho Kamana Hadal.

Hadalada Cadaalad Daro Inay Aragto Senator Saciido Xasan Cusmaan Waaba wax wanaagsane,Tolo Maxay U Arki Weydey Kuwaasi?

Dhulbahante Iyo Warsan Gali waxaa Boob Qaawan Dhulkooda Ku haya Isaaq, Balse Kuwii Loogu Talo Galay Inay Cadaalad Darada Arkaan Indhahooda Waxay Ku Arkayaan Laba Safiir”

Inkasta oo Bulshada Nadiifta Ay Ila Qabaan Aragtida Ah Inay Kuwa Sidaasi u Hadlayaa yahiin Kuwa Horumarkooda Hortaagan,Sool Hadii Horumarto Sanaag waa Horumartay,Waxayna Xaq u Leeyahiin Xoolahooda Lagu Cunayo Garoowe Inay Soo Dhacsadaan.

Senator Saciido Xasan Cusmaan waxay Tiri “inuu Madaxweyne Farmaajo yahay qof qabyaaalad yaqaan, isagoo hortaagan muddo 2 sano iyo bar ah xilkii safiir ee ay lahayd Beesha Sanaag, waxayna caddeyn u soo qaadatay inuu Beeshiisa u magacaabay laba safiir, halka uu beesha Sanaag u diidan yahay xilkeedii”

Senator Samiira waxay Soomaalida u sheegtay inay been tahay inuusan Farmaajo aqoon qabiil, waxayna caddeysay in dhibaatadda dalka ka jira iyo faragelinta maamul Goboleedyada ku socota uu wado Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa Jira Dhalinyaro Badan oo Ku Qaldamaya Hadalada Siyaasintaasi Ku Hayaan Deegaanka,mana Aha Siyaasinta Sanaag oo kaliya Dhulkooda Gabeen Lakiinse Kuwa Sool Sidoo kale Muqdisho Ayey Shaaha Ku cabaan Maalinta wakhtiga Dhamaado Dhulkooday Xil usoo Doontaan oo Maalinta la Doortay Ugu Danbeyey.

Dhalinyarada Sanaag oo Durba Ku qaldamay hadalada Hoos Ka Akhriso.

Xildhibaanadii Sool,Sanaag Iyo Cayn Hadaan Si kale U Dhaho”DHULBAHANTE IYO WARSANGALI”ee Shacabka Ka Sugayey Maamul Inay Usoo Dhaciyaan Waa Kuwaasi Hal Xubin oo Sool Qabiilayste ku Sheegaya Ama Abtinimo Ugu Shaabadaynaya Qabiil Farmaajo”

Ugu Danbeyn Warsabgali Iyo Dhulbahante Waa isku Mid Qofka Sidaasi u Hadlayaa Waxaa uu Diidan Yahay Horumarka Sool,asanaag Iyo Cayn.

Marqaannews.net

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

9 Comments

  1. Dhulbahantaha iyo Warsangligu af ay cid kale wax kaga sheegaan kuma yaallo asalkeeda hore ba. Hartigu na wax jira ma aha iyagu waayo liidnimada la hadhay way mid ay is wada qaadsiiyeen. Labo ayaan anigu mawduucan ka odhanayaa.

    In ay Dhulbahantaha iyo Warsangaligu afkooda soo marsiiyaan ma aha hadaaqa ah Isaaq baa culays weyn ku haya. In ay is marjiyaan baa kun jeer u dhaami lahayd qirashada ah iidoor baa iyaga ka adkaaday. Isaaqu 28kaa sanadood ee ay is habeynayeen oo is hubeynayeen labadan beelood ma addimaha ayay ka dabranaayeen mise sardho ayay ku maqnaayeen? Maxay iyagu na si la mid ah isugu habeyn waayeen oo isugu hubeyn waayeen illayn in iyaga loo qoryo aruursanayay way ogaayeen ee?

    Nacasnimada kale ee labadan beelood u sii dheer waxaa weeye in ay iyagu Xamar, Garoowe iyo Hargeysa afka uun u kala hayaan sida aad mooddo curyaan laalaaban oo in la quudiyo u baahan. Inta ay Majeerteenka iyo Isaaqu deegaamadooda hormarsanayeen maxay beelahani kuwooda uga seexdeen? Yaa kale ayay ku halleynayeen oo maqnaa?

    Tan kale ee in ay isweyddiiyaan uu waajibku yahay waxaa weeye jago shakhsi loo igmaday maxaa beesha dhan uga soo kordhaya sideeda ba? Ma habeen bay kaga wada taajirayaan? Ma saboolimada ku ragaadday ayaa mar qudh ah kaga zuulaysa? Mise magac reereed uun baa loogu dhimanayaa? Dhulbahante iyo Warsangali iyaga ayaa isu cadaw ah oo caynkaa isu dulleeyay. Cid kale ku eedeyn maayaan taasi.

  2. Cismaan

    Horta Nin yahow yaabaye ma Schizophrenia cudirka la yidhaa ayaad qabtaa mise waxani waa kaa Munaafaqnimo? Mise maanta ayuunbaad xaqiiqada ogaatey. Imisaad afka igu goosatay anoo leh shacabku iyagaa wax qabsadey oo magaalooyinkooda dhistey oo hore u marsadey. Dawladuhu itaal intaas le’egba ma leh. Idinka maxaa bacaadka idin dhigey.

    Dhanka kale malaha waanad is ogeyn oo waxan oo hunqaaco ah waxa kaa keenaya waa Farmaajo iyo difaacidiisa. Qabiilow ba. Waar Xaarmaajo Rasuul ma ahan ee waa Ina Afweyne. Weliba cuqdadiiste ciil qabe ah. Munaafaqnimo ayuu la aamusan yahay. Adiga daacad baad u taqaan. Horta Nin yahow waad diirad xuntahay. Qalbadaadu si foorarta ayay wax kuu aragsiisaa. Hiyigaagu wuu iska kacaa. Maanta waxaan ku arkayay adoo u riyaaqayay Xoolaha uu Xaarmaajo Somaliland ka xanibey. Horta ma ogtahay inuu dad masaakiin ah oo Isaaq iyo Daaroodba leh uu dhibaateeyay uun? Wax garadka Soomaaliyeed ee aduunka kubfiliqsan oo dhami waa khalad talaabadaasi ayay yidhaahdeen. Adna xiqdi iyo neceyb baad la dabaal degeysaa. Good for you my friend. Waan kugu hanbalyeynayaa inaad na tusto neceybkii inaad nacasnimo ku darsatay. Xooluhu weligoodba ha xidhnaadaan. Culeys badan Somaliland kuma heyn doonaan. Dhaqaalo yar oonan sidaas u muc weyneyn ayaa markoodii horeba laga heli jirey. Waanad niyad jabi ogtahay oo kolkaad aragto hangaraaraca oo lug Keli ah u dhutin waayay waad qaracmi doontaa. Waxa aynu sugnaaba waa qaracankaaga.

  3. Dadka waxaa isku dira madaxda marka wax umada u dhexeeya ay ugu qaybiyaan si caddaad-daro ah.. kuwo ayaa qadinaya halka kuwo kale loo buuxinayo.

  4. somaliland oo ku guulaysatay dhoofkii xoolaha.
    sacuudigu waxuu caawa ogaladay
    in xoolaha berbera lagu keeno
    sidii awalba loo keeni jiray

  5. Cismaan

    Farxadaadii waxey kusoo af jarantey isla maantana. Markabkii Xoolaha sidey waa la dejiyay kow she. Dawladii Xaarmaajona Markey jabtey ayay calankii cadaa babisay. Sideediina waxey kasoo bidhaantey saxaafada iyo social mediaha. Anagaa fasaxney ku lahaa. Kkkk Oo hadaa Maxey u direen Wasiirkooda Xoolaha oo uu dagaalka ba’an ula galay Ganacsatadii Xoolaha qaadatay iyo Bangiga Islaamka oo cadaadiska u saarayay sidaan loo dejin laheyn Xoolahaas illaa iyo iyaga warqad laga soo qaato? Hadaba Markey Dawlada Jamhuuriyada Barakeysan ee Shankaroon tidhi cirkana u taleedhahoo hadaad doontaan. Markabkaasi nagu soo noqon maayo Isagoo xoolo sida ee ama xooluhu Markey bakhtiyaan bakhtigooda qudhunsada ama aasta ama kaluunka siiya. Anagu Dan iyo heelo kama lihin. Xoolo kale oo Somaliland ka soo dhoofayaana ma jiraane ama Soomaaliya ka qaata ama meel kale. Kolkaasey weliba ugu dartey cidii Xoolo xadkayaga kala talaaba is tidhaa waxaanu ka qaadeynaa intii Berbera oo kale ayuu Sucuudigii yidhi waar Dekeda Berberi waa ta ugu tayoda wanaagsane naga beydhe waxba ma xukuntaane. Orda oo idinku ama Warqada ku khasba ama u diiday in Xoolo Dekeda Berbera kasoo dhoofaan. Fucking pieces of shit. Aar Garacyafii Muuqdisho joogay wey Janeen. Adna Cismaan Ciilqabow afkaad dhulka ku dhufatay. Gudiga Farmaajona soo magacaabeyba Hawadaanu u taleedhsha ku Nidhi. Xaarmaajo ha’isku weegaaro oo sharaxaad haka dhigto.

    Cismaanow walaahi waxaa tahay liciif yar oo cuqdadlow ah. Miciishad dad masaakiin ah oo Reer miyi ah laga xidhey ayaa ku farxad geliyay. Kamaad fikirin xitaa in uu adiga Abtiyadaa, Ilmaadeeradaa iyo ehelkaaga ay arintani saameyn doonto. Isaaq iyo Somaliland ayaad ku indho beeshay. Nin yahow orod oo cilaajka tag. Wallaahi maskaxiyan ayaad dawo ugu baahan tahay.

  6. Haday oran doonan anagaa sii daynay
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Waji gabax buu farmaajo kala kulmay
    hawgalkiisi qar iskatuurka ahaa ee
    uu donayay inuu ku carqaladeeyo
    xoolaha berbera.

  7. Ahmed
    yagaa markii hore sacuudiga waxan ka dhaadhiciyay.farmaajo
    arinkan mudo sanad ah ayuu waday
    sacuudiguna wuu ka aqbalay.
    lkn markii ay somaliland iyo ganacsatadedi diiden kuna hanjabeen
    inaanay xoolohoda waraq uga donaynay farmaajo iyo wax lahal maala
    Sacuudigu wuu badalay goaaankisi hore
    ileen xoolaha soomalida kama maarnaye.kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Dhulbahante haddii labo safiir loo magacaabay dee waa laandheere, warsangeli iyo dhulbahante maxaa isu keenay? Warsangeli dhahar iyo badhan buu degaa dhulbahanyana 5 gobol buu degaaye!
    Meesha cayaarta ka daaya adoonyahay, habarta hadashayna waa habar masayrsan dhabayacadey isku hooya yihiino halkaasey kakeenen masayrka.
    Farmaajo waa nin garanaya sida dadku ukala laandheeraysan yahay. Warsangeli finti uno. Kkkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*