Cor.Siciid Caare oo Madaxweyne Muuse Biixi Fariintii Ugu Cuslayd U Diray

Odayaasha Beesha Garxajis ayaa Hor Dhigay Muuse Biixi Qodobo ay Kula soo Heshiiyen caare si uu ugu Soo noqdo mar kale Taliska Muuse Biixi loona Baabiiyo Jabhada Uu Haatan Hogaamiyo.

Caare iyo Odayaasha Ayaa ku heshiiyay qodobadan hadii laga helo dhanka Muuse Biixi inay ka Fulan.

Qodobbada ay guddiga soo celinta Caarre saxeexeen ee loo soo bandhigey

1. in Siciid Cawil loo dalacsiiyo derejada Janaraal.

2. in la qarameeyo ciidanka uu wato oo ah 400 oo nin

3. in mag-dhaw laga bixiyo hubka lagu qaramaynayo oo qiimihiisu joogo 2,000,000 dollar (Laba Milyan Dollar) maadaama oo uu yahay hanti qabiil.

4. Wixii khasaare ka dhashay dagaalkii tuulada Dhoob waxa masuul ka ah dowladda, maadaama oo uu wada hadal socday.

5. in lasii daayo xubnihii jabhadda laga qabtay ee deegaanka Dhoob.

6. in si bilaa shuruud ah lagu sii daayo inamadii lagu qabtay Cadayo iyagoo aan wax fal-dambiyeed ah gelin

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

8 Comments

  1. Hadey qodobadani dhab yihiin dee markaas Caare Nin iska cararey muu aheyne qolo ayaa jabhadnimada u wakiilatey. Taasina wax soconaya maaha. Qodobada kan 2 iyo kan shanaad ayaa ugu macquulsan.

    Kan Afaraad waa wax lagu qoslo. Waayo Jabhad dagaalamaysa dagaalbey u badheedhay. Dagaalama dhimasho ayaa huran. Ceerigaabaaei iyo Jaandheer la iskuma jiibineyne, rasaas noolnool iyo madaafiic baa la isla eeganayay.

    Kan Koobaad calaamatul su’aal weynbaa saaran, waayo dee macquul ma’ahan in Nin walba oo Wadankiisa ka hor yimaada la dalacsiiyo. Inkasta oo uu Caare Nin Mujaahid ah oo wadanka usoo DAGAALAMAY ahaa oonaan taas sinaba ku iloobi Karin, dee hadana talaabaduu qaadey maha mid sahlan. Hadaanan isaga daalalc loo raacan ayuu nasiib leeyahay. Dalacsiini aafo aanan dhamaaneyn ayay u horseedeysaa Dalka. Waa siduu sarkaal walbaaba koox isla qabiilkiisa ah ula bixi lahaa. Isna hala dalacsiiyo, qaraabadiisana hala qarameeyo. Waa u guul iyaga. Dawladana waa u guul daro iyo Aafo aanan dhamaaneyn iyo mashruuc xun oo ku furma.

    Ka lixaad fikrad kama lihi imika waayo ma hayo xaqiiqada ragaas lagu xidhey. Ma danbi ay galeenbaa loo hayaa mise wax kale oo loo nisbeynayo ayaa jira? Mooji. Waxaan ka idhaahdo waxaanan ogeyna waa igu danbi.

    Kaan aadka ula yaabanahay waa kan sadexaad. Hub Labo 2 Million oo doolar ah ayuu jananku wataa. Kaas waa iney beeshu billaa shuruud ku dhiibtaa. Wallaahi hadaanan nabada daneyneyn badu buurta ha jiidhee daalac haloo raacdo inta ku shuqulka leh ayaan odhan lahaa.

    Si kasta oo ay tahay. Ciidanka Caare iyo inta ka danbeysaaba waxaan anigu is leeyahay waxa ay aheyd tab lagu eegayay ama deyayay Dawlada Muuse Biixi oo lagu qadhaadheynayay. Markii la arkey ee la xaqiiqsadey inaan Dawlada dhayalkaas lagu mari karin, nabaduna cid walba daruuri u tahay ayaa laga maarmi waayay sababta ah in xaalada la dejiyo. Guushaasna waxa iska leh Dawlada, Shacabka iyo guud ahaan Somaliland oo dhan. Dhowr qaswadayaal ah Qaran dhan ma janjeedhin karaan.

    Waxaan hubaa in Dawladu iyadoo eegeysa danta guud ay wax badan xeerin doonto oo taxadar badan muujin doonto, sidey horeba ugu muujisay. Caare iyo inta ka danbeysaaba ay candhuuftooda dib u liqi doonto oo ay qunyar Dalkooda iyo Dadkooda ugu soo noqon doonaan. Rag waa is diidaa, wuuna is dagaalaa, wuuna ka heshiiyaa.

    Guul iyo gobonimo ayaan Insha Allaah Illaahay ka rajeynayaa.

  2. Dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho, in la baajiyo dhiigga walaalaha muslimiinta ayaana Ka muhiimsan in la daadiyo, wixii khilaafad ah wadahadal iyo sulux in lagu dhammeeyo ayaa habboon, maamul beeleedka iduur dulmiga iyo qabyaladda ayaa lagu diidan yahay ee waa inay keenaan xal lagu wada noolan karo si nabad gelyo iyo walaalnimo ah iyadoo qolo walba lagu xaqdhawrayo degaannadooda lana dhawrayo xuquuqdooda, dad ina adeeroow wuxuu ku dhaamo waa la waayay, Aan heshiinno aan is xaqdhowrno baa Ka horreeso, isu dawladaynta beenta ah halla yareeyo.

  3. Ahmad

    Kkkk war bixintani waa mid aan sal & raad toona lahayn..odayaashii waan waan ta iyo isku soo dhowaanshaha wada arinkasi waa beeniyeen…anaka ma ogin manaan maqal bay yiraahdeen …wax war kaaai ku saabsan oo anaka naga yimid ma jirto bay yiraahdeen.

    Shalay bay ahayd markii ay sidaasi lahayeen…markaa waa war aan sal iyo raad toona lahayn.

    Sidii madaxweeyne MBC shalay ka sheegay xafladii DAHABSHIIL HYUNDAI MOTORS …waa kii sheegay inay meel wngsn marayaan arimihii ceel afweeyn & Caare. WBT

    God bless Somaliland

  4. sOmalilander

    Mahadsanid indr. Waan yaabanaa oo waxaan is lahaa dee waxani suurto gal ma’ahan. Hub Labo Million oo doolar ah ayaa Caare Beel ula kac ugu qalqbeysay. Maskax gal ma’ahan.

    Shukran sxb.

  5. Qolodan putlan manta ayeey talo ubahan yihin ninkan jabhadnimadisa haday tahay in ilma adeeradisa muuse.daanyer uu ugu dhigo geranaraalo walahi berina waa kii idi soo weerari lahay oo mabalahan ujeec siyasad ee fog .ee intaad hada inatay goori goortahay qabatan xira oo qaraca sababta ah 100% warkan meel iga qora isla asiga hadusan dhulbahanto wareerin waa marka amaradisa loo fuliyo wuuna ku qasbanyahay muuse danyer inuu fuliyo sababta ah SNM ayaba wax isku ogoleyn sidee besha calamka logu shegaya gooni isutag aan isaqi xitaa jabhado isu samysten walee kuwani farmajo iridwaliba wuu kasoo xiray way habaren waxayirahden xasan garguurte iyo shariif ayaa noga fcn sababta ah sida 2 dowladood ayan wax u kala qay san jirnay. Waxas faramajo soo xiray waa mamul anan buuxin ee qolayaha dhulkas daganow hurdada ka kaca idinma lihi dad dhibateya lkn isaaq yeeyna idiin jabhadeny marna yeeysan idiin dowladen

  6. Ahmed
    Sida Somalilander yidhi warkaadi Waa been oo waxa beeniyey afhayeenka guriga wadahadaladda wada. Waligaa dheg howdhigin sheeko Villadda laga soo dhoobdhoobay. Farmaajo qorshihiisa ayey ahayd In uu weetabix diblumaasi iyo mid gudaha ahba imagine soo qaado balse he failed miserably.

  7. Barwaaqo

    Waan kunsalaamay walaalo. Warkani waxaan ku arkey baraha mareegaha wararka Somaliland soo qora. Sida Burco Online. Iyadoo warqad lasoo qoray oo sawiran oo saxeexyona wadata. Sidaas ayaan u rumeystay.

    Waadse mahadsan tahay walaalo. Salaan wacan ayaan hawada kuusoo marinayaa indr.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*