Daawo:- Ciidanka Puntland oo eryanaya Suxufi taageeray RW Kheyre + Muuqaal uu soo duubay.

Wariye lagu magacaabo Maxamed Darwiish ayaa sheegay inuu baxsad yahay oo ay eryanaayaan ciidanka Puntland.

Muuqaal uusoo duubay ayuu ku faahfaahiyay sababta loo eryanaya iyo dambiga uu ka galay Puntland.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalkiisa.

Waxaan ahay baxsad!
Waxaan mudo 8beri ah ku dhumaalaysanayey gudaha caasimada Puntland ee Garowe Waxaa la doonayey in la ii xiro fikirkayga dal jacaylka iyo diidmada aan diiday kala qoqobnaanta dalkayga.

Waxaa ku xiran Garowe labo muwaadin oo oo sidayda kasoo horjeestay in raysalwasaaraha qaranka loo diido qayb ka mida dalkiisa oo ah Puntland, waana dhacdada aniga hadda la ii daba socdo.

Alxamdullilah hadda waan nabad qabaa waana ka soo baxsaday Madaxwayne Deni iyo ciidamadiisa oo goob walba ii galay sidii ay ii heli lahaayeen dulmina iigu gaysan lahaayeen. Hadda waxaan ku suganahay goob ku meel gaar ah.

Waa markii labaad oo la doonayo in la ii xiro aragtidayda siyaasiga ah, 06-Sep-2018 ayaa sidan oo kale Garowe xukumadii Gaas iigu xidhay hadaad xasuusataan anoo wata warqad ay ku qoran tahay ‘Dalku hal madaxwayne ayuu leeyahay’ ayaan Garowe sawiro kusoo galay.

Waxaase nasiib darro wayn ah Xukumada Deni na in ay ka dartay oo ay dad badan hadda xabsiyada ugu jiraan taageero ay u muujiyeen Dowlada Federaalka ah! Qaarna baxsad yihiin sida aniga oo kale.

Waxaan halkan codsi uga dirayaa dowlada Soomaaliyeed in ay arintayda soo eegto oo la iga samata bixiyo meesha aan ku suganahay!

Saxiibada qaaliga ahow waxaan idiin soo diri doonaa muqaal aan kaga hadli doono xalada i haysata!

Halkaan ka Daawo miuqaalkiisa

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2102823293161474&id=100003014701568

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

5 Comments

  1. Haddaad shuruucda waddanka u taalla aqoonna aad u leedahay saxaafadda dhibi ma jirteen. Laakiin waxaa rabtaa in sawiradaada meelahaa lasoo helyo oo waxoogaa lagaa hadlo.
    Intaas baad adiga iyo kuwo kale oo saxaafadda ku gabanaya ku beddesheen nabadgelyadii iyo xasiloonidii ummadda.
    Behave well and there should be no problems

  2. Qof kasta oo puntland ku nool oo mucarad ku ah mamulka puntland nockasta ha,ahade in laxiro aya wajib ah.sababto ah wa dhuni qatayal damir laweyal,wax magarad ah.

  3. Been abuur wacan( nice trail)
    Iska dhuumo inta farmaajo kuu
    Soo dirayo xaqul safarkii muqdishi
    Ku aadi lahayd; malaha yarku
    Wax sheeg sheeg iyo in caan noqdo
    Ayuu iska dhaadhaaciyey
    Miskiin ya dalas orod daawo Coldoon
    Liintaad la cabin run baan kaaga dhigin
    Ma taqaanid M/ Deni ha u malayn Gaas!

  4. Mooryaan kastaa ha dhaho Suxufi baan ahay, caqli xumada haysa waliba wuxuu ku leeyahay fikirkeygaan dadkatusaayry, Waa cadowga nagu hoos nool , kala dambeyn malaha, waxaasi waa jaahilnimo ina haysa. waxaan leeyahay Keleb oo oo dhan hala waso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*