DAAWO:- DFS oo lagu tuhmay inay fitno kawado Pland, Alshabaab oo towbad keen ugu baaqay odayaasha somalida, Madaxwayne booqday caasimad kale…

Akhristayaasha ku xiran shabakadda caalamiga ah ee Marqaannews waxaanu idiin soo gudbinayaa warkii caalamka oo aan ugu tala galnay in habeen waliba xilliyadaan oo kale idiin kusoo gudbinayo qaab muuqaal ahaan dhamaan wararkii ugu waawaynaa ee ka dhacay guud ahaan dalka.

Caawa oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 15 July 2019 qodobada aad ku daawan doontaan warka caalamka waxaa kamid ah:- Deni oo sheegay in DFS ay dagaal ka dhex wado gudaha Puntland, Alshabaab oo gaalo kutilmaamay odayaashii soo xulay xildhibaanada somalia, Caare oo wali lagu qancinayo inuu ku biiro Somaliland, Waare oo safar cajiib ah kutagay Galmudug iyo Qodobo kale.

HALKAAN HOOSE KADAAWO

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1. Soomaalia iyo shicibka Puntlaan arinkan waa arin naxdin weyn ku noqday sababtoo ah waa hanti dadweyne oo cadowgeena xun afka loogu riday. Maahayn in sidatan wax u dhacaan. Wuxuu yiri waa maalin taarikhda gashay oo waa run sababtoo ah waa maalin uu dalkeena iyo dadkeena cadow u jabiyay. Waxaan balan qaadaynaa hadaynu reer Garoowe nahay in caasimadeena Puntlaan saamiga canshuuraha ugu weyn laga dareemo mise garoonkan laga qixi doono bidmilaah.

  2. ** Hambalyo iyo Boogaadin Bahda Marqaan Media **

    Si kal iyo laab ah ayaan idiin kaaga mahad naqayaa tallaabadan dheeriiga ah ee aydun qaaddeen ee wararka muuqaalka ah. Waa tallaabo saxsan oo tayadiina saxaafadeed sare u qaadi doonta haddii uu Eebbaheen ka raalli noqdo oo waxaan waliba idiin ku guubaabin lahaa in aydun heerarka ka sii sarreeya uga sii ambaqaaddaan waxii suuragal ah.

    Xaqiiqdii waxaa baahi dheeri ah loo qabaa warbaahiye TV ahaan ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn qummaati iyo qaab caalami ah u matala oo laga dheehan karo warar, faallooyin iyo falanqeymo ay tayadoodu aad u sarreeyaan oo shacabka gobolladan iyo Soomaaliweyn ba u noqda masrax aqoon korodhsi iyo wacyi galin ba uga faa’iideyn kara.

    Sida sharafta lagu dheehay ee aydun akhristeyaashiina u qaddarisaan waa abaal weyn ee aynu idiin kaga qabno inteenan idinka na aad idiin qaddarisa.

    Mahadsanidin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*