DAAWO:- Dhulgariir baaxadleh oo ku dhuftay Deegaano katirsan Puntland + Cabsi badan oo jirta.

Wararka inaga soo gaaraya Puntland ayaa waxay sheegayaan in dhul gariir baaxad leh uu ku dhuftay meelo kamid ah bariga Puntland.

Dhul-gariirkaan oo cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya badweynta Hindiya iyo badda Cas, islamarkaana ku yaalla bariga fog ee Puntland sida laga soo xigtay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka.

Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay, masaafo 171km dhanka Waqooyi galbeed ka xigta degmada Bareeda oo ka tirsan gobolka bari kuna taalla gacanka GARDAFU’ , waxaana uu bilowgii hore ruxay 10km oo gunta hoose ah, isagoo 13.3039 degree oo ballac ah u fiday dhanka waqooyi, halka dhanka barina uu gaaray 50.449 degree dherar ah.

HALKAAN KADAAWO MUUQAALKA

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*