DAAWO:- Feysal Cali Waraabe “DFS waxay noo diidan tahay jidiinkii aan cuni lahayn meel walbo way naga soo xiraysaa”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay 30 Guurada ka soo wareegtay Goortii uu Xeebta Jaziira ee duleedka Muqdisho ka dhacay xasuuq loo geystay Dad Hayb ahaan ka soo jeeday Somaliland, xilligii uu Soomaaliya Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in 30 sanadood laga joogo Dad ka badan 40 Qof oo reer Somaliland oo inta Guryahoodii Muqdisho ay kala baxeen Ciidammadii Amniga ee Soomaaliya ay si wadar ah ugu laayeen Xeebta Jaziira ee duleedka Muqdisho, 1989-kii.

“Maanta waa 17-kii July, waa 30 Guuradii ka soo wareegtay Maalintii Dadka reer Somaliland Isir ahaan inta Guryaha loogala baxay lagu xasuuqay Xeebta Jaziira ee reer ahaan loo dilay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xasuuqyo badan way ka dhaceen Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, laakiin ka Taariikhdiisa la hayo ee dhacay 17-kii July waakaa (Jaziira). Waxay ku beegantay iyadoo Maanta Markabkii Xoolaha ahaa uu illaa hadda Xaniban yahay.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu isbarbar-dhigay in Dawladdii Maxamed Siyaad Barre geysatay Xasuuqa Jaziira ka dhacay, kaasi oo 30 sano guuradiisu ku soo beegmaysa xilli Xoolo Somaliland leedahay ay Soomaaliya ku xanibtay Dekedda “Waxa iswaydiin leh, yaa xasuuqaa fuliyey, waxa fuliyey Maxamed Siyaad Barre, yaa yidhi Xoolahaa halla xanibo, waxa yidhi farmaajo.” ayuu yidhi.

HALKAAN KADAAWO

 

XIGASHO:- HCTV

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Sanadkan aynu ku joogno ayuu wali dagaal sii oogayaa qawsaarkan aan qajilaadda lahayni. “Qabiil ahaan baa la inoo xasuuqayeey” waa shaxda aydun caalamka islahaydeen ku sira oo ku beer laxawsada laakiin waa la idin gartay oo aydun 30 sanadood dabadeed hungo ugu soo hadheen. Iminka na isla tii buu ku hadaaqayaa illayn waa qabqable dagaal ee.

    Iloowsho dhawidaa adigu asaasaq yahoow ma umul baad tahay? Dawladdaasi sow ma ahayn tii aydun giddigiinu intiinan Hargeysa isku awdday xubno sarsare iyo saraakiil ka soo ahaydeen? Sow saraakiishii maatada Isaaq laynaysay isla Isaaqiina ma ahayn sida Waran Cadde iyo qaar kale? Sababta uu qawsaarkani Farmaajo iyo iskugu nisbeynayo Siyaad Barre waa mid siyaasadda ka baxsan oo ah naceybka iyo naxliga qabyaaladeed ee ka buuxa.

    Hadal nacaseedka kale ee aadka loogu qoslo waxaa weeyaan marka ay ku hadaaqaan “way nagu soo dhiiran kari waayeen”. Ma Soomaaliya inteeda kale oo u soo tafaxaydatay ayay Hargeysa iyo Burco iska dhicin kari lahaayeen doqonimada intaas la’eg? Soomaalidu cuqdadda idin dilootay ka fayoow oo qaran dhis bay ku hawllan tahay dhiigshiilatooy. Iminka na waaqicigii dhabta ahaa ayaydun is taabateen mooyaan ee Farmaajo iyo Daarood toona waxba idiin ma dhimin.

    Dalkiina dhinac ka raaca inta aydun cabaadka joojisaan. Grow Up Old Loser.

  2. ASC Taajka Maakhir
    waa ku salaamay inaderkeey adiga iyo asxaabta kaleba

    kkkkkkkk Horta axadkaan beryahaan wuuba kasoo daraye maxaa soo kordhay inaabo? kkkkkkk Ma umaleeyneeysaa in Halyeey Farmajo ku jihaaday FALLAGADAAN? Kulaha “waa laina gumeeysan rabaa” War illen balaayo waa tanoo kale.Oo waxuu is bar bardhigayaa “dagaalkii koowaad ee aduunka sida loo xuso waa inaan uxusno 17May” kkkkkk Waligeey wax noocaan oo kale ma’arkin waalli run ah!!!

  3. Fasal waa xariif

    wuxuu isu diyaarinayaa siduu mar kaliya wafti xamar u socda u hogaamin lahaa.

    waaryaahe meeshii waaba laga socdaa, oo habeenkiina xoolaha dhoof baa lagu xataa, subixiina waa la is-waalaa.kkkkkkkkk

    Jahmuuriya jaahwareersan ee naflacaariga ah ee Soomaalilayn kkkk magacan bedela hadaad citiraafdoonaysaan oo u bixiya Jamhuuriyada sidaamo iyo habeenkii garab rarato aan seexaan, maalintiina qaylo ku nool.

    kkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*