DAAWO:- Gaadhi Hub usoo siday Ceel afwayn oo lagu qabtay Togdheer + Cuqaal hanjabaad udiray xildhibaanka gaadhiga lahaa.

Iyadoo wali ay taagan tahay xiisadihii ka dhashay Dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel afwayn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa hadana isa soo taraya hugunka colaadeed ee laga dareemayo guud ahaan Somaliland gaar ahaan Gobolka Sanaag.

Warar la helay ayaa sheegaya in gaadhi uu leeyahay Xildhibaan katirsan baarlamaanka Somaliland lagu qabtay gobolka Togdheere kadib markii la ogaaday inuu siday hub loogu talagalay in lagu sii huriyo colaada Ceel afwayn waxaana hubkaas loo waday mid kamid ah labada beel ee xurgufta udhaxayso.

Kulan ay isugu yimaadeen Cuqaasha mid kamid ah labada beel ee dirirtu udhaxayso ayay ku cambaareeyeen falkaas iyagoona daaha karogay ujeedka hubkaas iyo xildhibaanka danta uu ka leeyahay sii socoshada dagaalka udhaxeeya dadka walaalaha ah ee wada dega Gobolka Sanaag.

Dhinaca kale waxay cuqaasha hanjabaad culus udireen xildhibaanka iyo xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen in dhibaato waliba oo ka dhacda ceel afwayn iyaga ay kala xisbaatami doonaan, iyagoona dhanka kale layaab kutilmaamay in xildhibaan qaran uu hurinayo colaada deegaankiisa.

HALKAAN KADAAWO

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. ina kaahin ha hubeeyo Habarjecladda Sanaag degta, Col caare ha u dagaalamo Habaryoonista Dulman

    U.N says Sool & Sanaag is a Disputed region between Tribes and Federal states of Somalia.

    Isaaqu ha u kala baxo habar/habar
    Majeerteen ha isku qabsadaan cadaalad daro
    farmaajo/kheyre ha Burburiyaan maamul goboleedyada hassan xoolo dhisaya

    @ Suldaan Prof Taajka Maakhir……. Salaan sharafti saldanadda Maakhir Coast
    Suldaan waxaan hawada sare kuu soo marinaya salaan sharafti saldanadda maakhir coast.
    Waxaan kuu rajeynaya caafimaad,cimri dheer & cibaado suuban

    Suldaan waan caafimaad qaba waxaan jooga hadda Gothenburg/sweden waxaana ka duulaya meeshan monday 22/07/19 insha allah waxaa kula soo xidhiidhi doona.

    @ Qofka whatsup igala xiriiray ee magaciisa qariyey.
    THANK YOU.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*