DAAWO:- Maxay kawada hadleen Madaxwayne Farmaajo iyo madaxwaynihii hore ee dalka K/Africa?.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

DHAMMAAD

Madaxwayne Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.

Posted by Villa Somalia on Saturday, July 20, 2019

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

9 Comments

  1. Waxay soo jediyeen in xeer jajab lagu dhameeyo kiiska bada,
    Dee yaguna sidii caadada aheyd way aqbali doonan,ileen waa nimankii amaankoda iyo masruufkoda masuulka ka ahaaye.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Ninka ragga ah ee waliba tacliin soo qaatay waa in uu aad iska la weynaado dhaqan xumo oo dhammi, af iyo addin mid ay ahaato ba. In la kala falsafad, qaddiyad iyo aragti duwanaado sida aad ogtahay ba waa wax caadi ah ee bulsho kasta uu caafimaad oogu jiro. Macnuhu ma aha in col daahii go’ay la kala noqdo. Midda kale waa in runta iyo xaqa aan mar na laga weecanin oo xaqiiqooyinka jira iyo waaqiciga dhabta ah aan la inkirin si kasta oo ay sida aad jaceshahay aanay wax kuugu qabsoomin.

    Aqoontu waa in ay shakhsiyaddaada iyo dabeecadda ka yeesho kuwo hufan oo sharaf iyo qaddarin kuu soo jiidaya oo kaa na soo saarto qof wax kasta oo wanaagsan aad u xeeriya oo xumaha aad iskaga dhawra – af iyo addin ba. Waxa aad aaminsatahay si hufan oo ixtiraam leh ayaa dadka loogu macneeyaa si kasta oo aan lagugu raacsanayn mise lid loogu yahay. Waa in aad dadka ka gaddo oo ka qanciso. Ruuxa aqoonta lihi marka laga dood badiyo qaab xariifnimo lagu dheehay ayuu kaga dabaashaa ama wuu qaataa laakiin kuma kaco wax sharaftiisa iyo sharafta dadka kale meel kaga dhacaya.

    Mar kasta na shakhsi ahaan iyo muslim ahaan ba isu la xisaabtan oo cabbir in waxa aad aaminsantahay uu adduun iyo aakhiro ba kheyr u yahay adiga iyo eheladaada ba. In ay Soomaaliya hagaagto tuulada iyo degmada iyo gobolka aad ka soo jeeddo ayuu wanaag oo dhammi ugu jiraa sida aniga iyo qof kasta oo reer Soomaaliya ah ba. Miyir wax ku qiyaas inta aad caadifada caatada ah mar qudh ah dibedda iska taagto. Waa iga waano.

  3. Waxii tabasho ah hab cilmiyeysan oo cadeymo buuxa oo macquul ah leh ayaa ummadda la hor keenaa. Haddii waxan oo caro, ciil iyo cunfi ahi ay idin ka keenayso dhibaatadii idin ka soo gaadhay dagaalkii sokeeye, dee dagaalkaasi muddo 30 sanadood ku dhawaad ah baa ka soo wareegtay oo Soomaali oo dhan ayuu galaaftay. Dawladdii dagaalku ka kacay na intaas in la’eg ayay maqan tahay.

    Soomaalidu ka soo gudubtay marxaladdaas iyo taariikhdaas madoow ee maxaa idinka wali idin ka dhex qotomiyay? Ma dhiigga Isaaqa ayaa Soomaalida kale dhiiggooda ka fadli badan? Mise wuu ka nazahan yahay? Mise Isaaqa ayaan Soomaali kale dhiig badan ka soo galin? Iyo dhexdooda ba? Caalamka waxyaabo ka sii xun baa dad ka soo dhex dhacay oo casharadii ka qaatay oo uga na gudbay marxalad aad uga duwan ee ay kaga bogsoodeen. Soomaalidu sidaas si la’eg ayay kaga bogsoon kartaa.

    Caqliga iyo aqoontu ha shaqeeyeen.

  4. Waa run oo sharafta iyo xaragadu waxey ku jirtaa iyada oo si degen doodaha loo dhiibto iyadoo aqoon lagu ladhayo. Laakiinse waxa calaamatul su’aalku ka taagan yahay waa goorma taasi? Sidey aniga ila tahay, maaha marwalba ee waa marka ay madashu billan tahay oo ay rag iyo dumar macruuf ahi meesha ku hirdamayaan. Laakiinse Markey jiraan Xaarimiyiin aanan waxba xeerineyn anigu waxaan aaminsanahay in laga aamuso dhacdhacooda hore iyadoo qofka lasiinayo wakhti uu ku khajilo oo uu iskula yaabo. Taas haduu garan waayo oo uu xeyndaabka soo dhaafo dee waa inaad ka waraabisaa abaalkiisa. Nimaan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho. Qaniinyo ayaana qaniinyo la iskaga gooyaa. Badu buurta ha jiidhee waa inaad tustaa inaanu kaa hadal badneyn xigmad iyo xeelba. Aan ku daree iyadoon weliba la dhaafeyn xuduuda. Qofka waxaad doonto iskaga dhici, laakiinse ha gaadhin waalidkiis, caardhkiisa, iyo Reerkiisaba. Taas aan halkaas kuugu dhaafo.

    Waxa kale oo ay raganimadu ku jirtaa waa iyadoo runta la abaaro. Waxa xitaa hadaad diidan tahay oonu ku qancin ama adba ayidsan tahay runta ayaa aga sheegaa. Sida Xoolaha iyo quudka iyo risiqa Alle qorey ee lasoo hujuumay oo kale. Adigey ku jirtaa hadaad ku raacsan tahay arintaas oo xorbaad u tahay taas. Laakiinse waa inaad farta ku balbalaadhisaa oo aad tidhaa risiqaas masaakiinta loogu yimid khaladbuu ahaa ama Dawladu wey ku saxsaneyd iney afaarahaas soo faro geliso. Afcarbeednimo iyo kajaaleyntu waa munaafaqnimeyn. Badu buurta ha jiidhee waa in ay dhiirasho jirtaa. inn xaaladu markey aad xasaasi u noqoto weedho kale lagu maldaho ama lagu deyraa oo la maldahaa waa ayaan daro.

    Anigu wanaaga Soomaali waan jecelehay. Laakiinse waxaan necebahay xumaanta arxan darada ah ee xeyndaabka soo dhaafeysa. Wixii shicibka dhankuu doonabo ha ahaadee waxyeelo soo gaadhsiinaya. Horumarka dhankuu doonaba haka jiree aad baan u taageeraa. Weligey kama naxo ama cuqdadoodo wax dad walaalahay ah oo Soomaaliyeed usoo kordha.

    Wax Sharaf ah oo ku jira xumaan dhacda oo lagu diirsado anigu ma arko. Sidii la doonaba haloo farshaxameeyo. Xumaani waa xumaan. Neceybna waa neceyb.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*