DAAWO:- MD Axmed Madoobe oo si rasmi ah loo gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimada Jubbaland + Fariin kale oo uu diray.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo sabti ah qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa intaas kadib Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin.

HALKAAN KADAAWO

Madaxweynahu wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin loona baahan yahay in loo hogaansamo waxaa uu intaas ku daray in dhamaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gorgortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida guud.

Qaar kamid ah musharaxiinta kasoo qaybqaatay halgankii Jubbaland looso maray ayuu ku booriyay in ay dib u eegan halka laga yimid iyo dhibkii looso maray dhismaha Jubbaland isla markana aanay u durbaan tumin shaqsiyaad kor ka yimid oo aan ka warqabin duruufaha dadka ree Jubbaland.

Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ku adkeeyay in ay nabadgalyadooda ilaashadan oo doorashooyinkooda ay qabsadaan isla markana aanay dib ugu noqon wixii lasoo maray.

HALKAAN KADAAWO

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Walaahi ninkani waa geesi. Wadada Maka Al Mukarama ayuu iska mariyay Xaarmaajo iyo xertiisii. Taangigaaga ku xaroo oo halkaas Xaarkaaga Qudhmiskaaga shiirar lasoo yara huurso ayuu ku yidhi.

    Imika waxey qudhmisanayaan Shiirar ay kaga xaajoonayaan talabaayinkay ka qaadi lahaayeen qodobadan adag ee saaxibadood lagu xidhay Musharax nimadooda. Siiba ta ah iney iska casilaan xilalka ay imika hayaan intaaney isasoo sharixin.

    Ta labaadna waa jabkii iyo fadeexadii kasoo gaadhey damacii ay damceen in ay QUUDKII IYO ARSAAQADII UU ALLE DADKA U QORAY kala diriraan.

    Maanta xaarkoodu ma Yara. Shuban calooleed ayaa kuwada dhacey. Kkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*