DAAWO:- MD Deni oo weerar aan gambasho lahayn ku qaaday DFS “Puntland ma ogolaan doonto in lasoo weeraro”.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabudllaahi Deni oo Sabtida maanta ah ka hadlayay madal lagu daah-furay mashruuc waxbarasho, ayaa ku baaqay in bulshada Puntland ay ku fara’adaygaan nabadda iyo xasiloonida ay haystaan ee Punland ku soo caana-maashay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada u dhalatay gobolladan ay aas’aaskii Puntland u hureen naf iyo maalba, si ay u helaan nidaam dowladeed oo ka saara amni-xumadii iyo horumar la’aantii haysatay gobolladii waqooyi bari ee Soomaaliya oo mar lagu naanaysay “Gaari’waa” maadaama aysan waxba u qaban dowladdii dhexe ee Soomaliya.

Mudane Deni ayaa nasiib-darro ku tilmaamay , in qaar kamid ah bulshada Puntland ay illaawaan dhibkii la soo maray ka hor aas’aaskii Puntland, iyadoo gobolladan ay ka jireen amni-xumo iyo horumar la’aan dhinac walba saameeyay ka hor inta la hirgelin dhismihii Puntland oo laga dhaxlay nabadda iyo horumarka maanta socda.

Puntland waxaa la rabaa, wixii ay shalay soo maal-geshatay oo ay u horreysay in ay nidaam iyo maamulk dhisato, oo ay ku xigtay in ay nabadeeda ka shaqeyso, oo ay ku xigtay dadkeeda in ay u adeegto, oo ay ku xigtay in ay dadkeeda u hagto, in aysan qax-qaxin oo bara-kicin, waxaan u baahannahay in aan aad ugu fara’adaygno nidaamka aan halkaa ku gaarnay” ayuu yiri Deni.

HALKAAN KADAAWO

Sidoo kale, wuxuu bulshada Puntland xasuusiyay horumarka ay Puntland ka gaartay dhanka adeegyada aas’aasiga ah oo xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya aan degaannadan ka jirin, balse loo aadi jiray magaalada Muqdisho iyo dhul kale, maantase dhammaan laga helayo gudaha Puntland.

Dhinaca kale, madaxweyne deni ayaa soo hadal-qaaday lacago dowladda Federalka Soomaaliya ku deeqday oo la soo geliyay gudaha Puntland, iyadoo aan loo soo marin nidaamka Maaliyadeed ee Puntland u deggan, taasi oo uu ku tilmaamay “sharci-darro”.

Deni ayaa xusay in Puntland ay abaal ku lahayd dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Puntland lacago ugu deeqi jirtay dowladdii KMG ahayd, laakiin ay marsiin jirtay nidaamka saxda ah, halka sida uu sheegay ay haatan dowladda dhexe lacagaha Puntland loogu tala-galay aysan soo marin hannaanka Maaliyadeed ee Puntland.

Lacagtaasi Puntland dad kale uma aysan diri jirin, qabiilana uma aysan diri jirin, ee nidaamka dowliga ah bay ku diri jirtay ee wasaaradda Maaliyadda” ayuu yiri madaxweynaha isagoo sii raaciyay” waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalku ay tiraahdo annagaa qeybi-nayna oo reer-reer baan ugu soo qoraynaa iyo magaalo-magaalo”.

Waxaa kale oo uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka shaqeynayso, nidaamka iyo dowladnimada Puntland in ay burburiso, iyadoo u adeegsanaysa kicinta dhalinyarada da’yarta ah ee aan weli garaadkoodu buuxsamin.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa si cad u diiday guddiga loo magacaabay wada-hadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo sida uu sheegay ay ku jiraan xubno lagu tuhmayo in ay ku lug-lahaayeen hurgumooyinka bulshada Soomaaliyeed dhex yaalla.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

9 Comments

  1. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Anba dhamey qaraarke
    Waa inaad dhadhamisaa

    Waar nimankan ms cabaadkii baa ka dhamaaday.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    War ama sida sl banaan istaaga
    oo isdabara,ama dawladaa aad qaybta
    ka tihiin wax laqaybsada.

    Hooyadii federaalka kulahaa
    Oo hadaa yaa aabihii ah

  2. Xaaji Saalax,

    Labadiinan hungeysan ee meelahan ka nah nah leh ujeeddaadiinu waadax bay u caddahay oo waxaa weeyaan in marka hore aydun dadka kaga sii jeedisaan jabka weyn ee idin ku dhacay oo marka xiga na aydun Soomaaliya iyo Soomaalida qori qiiqaya la dhex wareegtaan. Waa dhaqan xumada ay ku caan baxeen kuwa hungoobay ee runta iyo xaqa ka habaabay.

    Waxaydun qummaati u ogaataan in aydaan marka hore dib uga siiban karin sharciyada, xeerarka iyo qawaaniinta dawliga ee dalkiina Soomaalioya haatan toos loogu dabbaqayo oo marka xiga na aydaan qarannimada Soomaaliya wax u dhimi karin. Nacabka sokeeye dhabarkiisu wuu u muuqdaa Soomaalida ay waddaniyaddu ka go’an tahay. Isu ma qarin kartaan.

    Warxumo tashiil iyo waxaydun isku ciil kaambiseen warxungeysnimo aydaan idinka mooyaan ee cid kale wax ugu dhimi doonin. Ku seexda oo ku soo toosa. Nacasnimadii hore iyo madax salaaxii aydun dabada ku kala qabateen la iskaga dibi yimi oo sandulle ayaydun sharciyada iyo xeeraarka ugu hoggaansamaysaan. Beesha Caalaamku taasu way ka soo go’day.

  3. Xaaji Saalax

    100% dhakadaad kaga dhufatey. Budhleyn iyada Deni looguma ima karo hogaanka. Waa in Shacabka loosoo maraa. Odeyada 100 kun ee doolar waxaas oo cay ah uhu miisaya tollow hadii Million doolar loo dhiibo Maxey sameyn lahaayeen? Kkkkk $100k waxey ku kharash gareeyaan kuwa yaryar ee ay Somaliland Calanka Soomaaliya ku dhex xidha ku yidhaahdaan . Kkkkk

  4. Cismaan

    Muhiimadu waa in dagaalka siyaasada lagu ekeeyaa. Waraaqaha uu Xaarmaajo soo xarxariiqo ha soo badiyo. Qaar Caloolo waaeyn oo xaarka iskaga bi’iya ayaa noo qaabilsan arintaas iyada ah. Kkkkk

    Laakiinse adigu Cismaanow nacasnimadaada waxaad guul u taqaan dhowrkii neef ee ilmo adeeradaa iyo ilmo Abtiyadaa iibgeyn jireen xiliga Xajka oo qudha in laga carqaladeeyo. Taas hadaad Guul u taqaano qiro aan sacabka kuu tumnee. Kkkkkk

    Xaarmaajo iyo Beel caalam toona Somaliland waxba kuma khasbi karaan.

    For your information maanta waxa Hargeysa ku sugan Safiirkii EUda, Kii Jarmalka iyo kuwo kale. Hargeysa Bookfair ayayna ka qeyb galleen. Madaxweyne Muuse Biixina wey la showreyaan. So far Muusena Dalkiisii ayuu ku baashaaleyaa oo waxba Xaarmaajo uma oga. Xaarmaajona waxa uu is hayaa badhiduu dhulka ku dhuftey. Waxaanu yet again ka gabanayaa fadeexadii kasoo gaadhey dagaal doqomeedka uu QUUDKII IYO ARSAQII UU ALLE U QOREY DADKA kala dagaalan is yidhi.

    Sxb sacabka aan kuu tunee u mashxarad guushaas aad sheegatey inuu Xaarmaajo idiin gaadhey. Kkkkkkkkk

    • Nacas iska hantaataca ayaad Ahmedoow ku soo baxday. Tabar iyo taag ba waxay kaaga soo hadhay in aad “xaar” iyo wax aan ragga u qalmin ku caaytanto adiga oo ah nin weyn oo gadh iyo gafuur ba leh.

      Xishoo oo wax isku la hadh maandhe.

  5. Cismaan

    Xaarku ceeb Mahan. Wuu qudhmuun yahay laakiinse uun walba oo aduunka ku nooli oo wax cunaa wuu xaaraa maalin walba inta wax cabtaana wey kaadkaan. Kkkkk

    Halkan anigu labo jeer uun baan xaar kusoo hadal qaadaa. Waa kolka horee Xaarmaajo iyo Qudhmiskiisa (wasiiro ku sheega). Ta labaadna waa Xaarquuda ama lafdhumiqda Xertwenan Marqaan inagala tirsan ee Keyse isku magacaaba. Kkkk Taasna waa mid uu isagu iga keensadey markuu futo iyo qudhmuun iyo qowma liidnimo igala dhamaan waayay.

    Horta waa su’aale, ku arkey adoo xulufeysi ka doonaya, laakiinse kuma arag adoo leh waar quumaluudnimada aad ka hadasho maad dhaafid oo afka wanaajisatid. Xaalku waa sidee Cismaanow?

    Marka qolyiina Daarood futo iyo qowma liidnimo ka hadlayaan miyaydaan dhibsan? Ma arka loo jawaabo ee jawaabtii ku habooneyd la siiyo ayay idin damawdaa?

    Keyse sidiisa kale waa iskaga oreydh. Haduu intaas xunka ah een la qaadan Karin ka hadho waa lala tacaali karaa.

    Xaarmaajona dee Sanad iyo badhka u hadhey waa dhoobayaa bahashee iska adkeyso. Kkkk

  6. Ahmed,

    Ninka ragga ah ee waliba tacliin soo qaatay waa in uu aad iska la weynaado dhaqan xumo oo dhammi, af iyo addin mid ay ahaato ba. In la kala falsafad, qaddiyad iyo aragti duwanaado sida aad ogtahay ba waa wax caadi ah ee bulsho kasta uu caafimaad oogu jiro. Macnuhu ma aha in col daahii go’ay la kala noqdo. Midda kale waa in runta iyo xaqa aan mar na laga weecanin oo xaqiiqooyinka jira iyo waaqiciga dhabta ah aan la inkirin si kasta oo ay sida aad jaceshahay aanay wax kuugu qabsoomin.

    Aqoontu waa in ay shakhsiyaddaada iyo dabeecadda ka yeesho kuwo hufan oo sharaf iyo qaddarin kuu soo jiidaya oo kaa na soo saarto qof wax kasta oo wanaagsan aad u xeeriya oo xumaha aad iskaga dhawra – af iyo addin ba. Waxa aad aaminsatahay si hufan oo ixtiraam leh ayaa dadka loogu macneeyaa si kasta oo aan lagugu raacsanayn mise lid loogu yahay. Waa in aad dadka ka gaddo oo ka qanciso. Ruuxa aqoonta lihi marka la dood badiyo lagu xariifnimo lagu dheehay ayuu kaga dabaashaa ama wuu qaataa laakiin kuma kaco wax sharaftiisa meel kaga dhacaya.

    Mar kasta na shakhsi ahaan iyo muslim ahaan ba isu la xisaabtan oo cabbir in waxa aad aaminsantahay uu adduun iyo aakhiro ba kheyr u yahay adiga iyo eheladaada ba. In ay Soomaaliya hagaagto tuulada iyo degmada iyo gobolka aad ka soo jeeddo ayuu wanaag oo dhammi ugu jiraa sida aniga iyo qof kasta oo reer Soomaaliya ah ba. Miyiri wax ku qiyaas inta aad caadifada caatada ah mar qudh ah dibedda iska taagto.

  7. Cismaan

    Waa run oo sharafta iyo xaragadu waxey ku jirtaa iyada oo si degen doodaha loo dhiibto iyadoo aqoon lagu ladhayo. Laakiinse waxa calaamatul su’aalku ka taagan yahay waa goorma taasi? Sidey aniga ila tahay, maaha marwalba ee waa marka ay madashu billan tahay oo ay rag iyo dumar macruuf ahi meesha ku hirdamayaan. Laakiinse Markey jiraan Xaarimiyiin aanan waxba xeerineyn anigu waxaan aaminsanahay in laga aamuso dhacdhacooda hore iyadoo qofka lasiinayo wakhti uu ku khajilo oo uu iskula yaabo. Taas haduu garan waayo oo uu xeyndaabka soo dhaafo dee waa inaad ka waraabisaa abaalkiisa. Nimaan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho. Qaniinyo ayaana qaniinyo la iskaga gooyaa. Badu buurta ha jiidhee waa inaad tustaa inaanu kaa hadal badneyn xigmad iyo xeelba. Aan ku daree iyadoon weliba la dhaafeyn xuduuda. Qofka waxaad doonto iskaga dhici, laakiinse ha gaadhin waalidkiis, caardhkiisa, iyo Reerkiisaba. Taas aan halkaas kuugu dhaafo.

    Waxa kale oo ay raganimadu ku jirtaa waa iyadoo runta la abaaro. Waxa xitaa hadaad diidan tahay oonu ku qancin ama adba ayidsan tahay runta ayaa aga sheegaa. Sida Xoolaha iyo quudka iyo risiqa Alle qorey ee lasoo hujuumay oo kale. Adigey ku jirtaa hadaad ku raacsan tahay arintaas oo xorbaad u tahay taas. Laakiinse waa inaad farta ku balbalaadhisaa oo aad tidhaa risiqaas masaakiinta loogu yimid khaladbuu ahaa ama Dawladu wey ku saxsaneyd iney afaarahaas soo faro geliso. Afcarbeednimo iyo kajaaleyntu waa munaafaqnimeyn. Badu buurta ha jiidhee waa in ay dhiirasho jirtaa. inn xaaladu markey aad xasaasi u noqoto weedho kale lagu maldaho ama lagu deyraa oo la maldahaa waa ayaan daro.

    Anigu wanaaga Soomaali waan jecelehay. Laakiinse waxaan necebahay xumaanta arxan darada ah ee xeyndaabka soo dhaafeysa. Wixii shicibka dhankuu doonabo ha ahaadee waxyeelo soo gaadhsiinaya. Horumarka dhankuu doonaba haka jiree aad baan u taageeraa. Weligey kama naxo ama cuqdadoodo wax dad walaalahay ah oo Soomaaliyeed usoo kordha.

    Wax Sharaf ah oo ku jira xumaan dhacda oo lagu diirsado anigu ma arko. Sidii la doonaba haloo farshaxameeyo. Xumaani waa xumaan. Neceybna waa neceyb

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*