Daawo:- Muuse Biixi oo cabaad bilaawbay kana hadlay jabka joogtada ah ee ciidankiisa kasoo gaara Sanaag.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Dilka Ciidammada Meleteriga iyo Booliska ee Bilihii u dambeeyay ku soo noqnoqonayey Gobollada bariga, kaasi oo ay ugu dambeeyeen Dil Deegaanka Ceel Af-weyn loogu geystay laba Askari oo Boolis ah Toddobaadkan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay illaa hadda garanayn sababta labadaa Askari loo dilay, sababta Dadka Shacabka ahi ay ugu deg-degaan Dilalka Askarta.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Booliska lagu laayey Ceel Af-weyn, oo aan la garanayn sababta loo laayey, kuwa dhintay Allaah ha u naxariisto, kuwa dhaawaca ahna Allaah ha caafimaadiyo, Garan mayno waxa Ciidankaa lagu laayey, Wax Alaale iyo wax Ciidankaasi ay iskugu yimaaddaan oo Maanta la qiri karaa ma jirto, Saraakiishii hore ee jeelka ayaan iyadana la garanayn wax Alaale iyo wax loo laayey.”

Halkaan kadaawo

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Bal kawarama cabaadka farmaajo oo yiri,tacsidii iyo canbaraynti shabaab waan ka niyad jabay.kkkkk
    Farmajo isagoo oynaya ayuu yiri xukumadayda kala badh waa shabaab.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*