DAAWO:- Puntland oo awaamir culus kusoo rogtay dhalinyarada ku nool gobolka Mudug.

Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) ayaa farriin adag u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada koox-kooxda u abaabulan ee habeenkii fowdada ka sameeya xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Duqa ayaa waalidiinta ugu baaqay in ay ceshadaan carruurtooda fowdada iyo dhibaatada ku haya amniga magaalada Gaalkacyo isagoo ku boorriyay in haddii ay ceshan waayaan aysan ka daba imaan markii ciidamada amnigu gacanta ku soo dhigaan.

Xaaji Sayn ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada fowdada ku wada magaalada islamarkana ay u dhaadhicin doonaan xabsiyo ku yaalla magaalooyinka kale ee Puntland si aan waalidkood uga daba imaan.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xilli magaalada Gaalkacyo ay kusoo badanayaan dhalinyaro habeenkii fowdo kasameeya xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

HALKAAN KADAAWO

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. ASC.
    Ciddii wax u dhimaysa ammaanka guud ahaan soomaaliya waa u cadaw shacabka soomaaliyeed ee waa in la soo qab-qabtaa oo kii dambi lagu helo la marsiiyaa waxuu mudan yahay.Soomaaliya waa ka caadi markii ay ciidamadu soo qabtaan wiilal dambiilayaal ah baa waxaa ka dabo yimaada dad u dacwoonaya oo leh wiilkaygu waxba ma suubin.Markii horena waxaa dadkaas laga waayey war ceshada wiilashiina.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*