DAAWO: Soomaaliya oo hogaanka u qabatay dalalka Geeska Afrika & Farmaajo oo ku dhawaaqay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.

Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

7 Comments

  1. 10 ayaa dhimatay 50 waa dhaawac, waa joogto. aduunkii oo dhan ayaa la yaaban. Zoo malia waxay qaadatay hogaanka & koobka qaraxyada aduunka.

  2. Kuwaasina waa dhallaankii SNM ta (Soomaalida Neceb Midnimada)oo aad ugu faraxsan qaraxyada, bur-burka daadashada dhiiga iyo dhimashada ku dhacda dadka Soomaaliyeed gaar ahaan caasimada Soomaaliyeed Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya oo idil.

  3. Farmaajo waa rajo beel waxuu isleyahay mar hadaad ku fashilantay
    Shaqadii aad ku dhaaratay waxii baabaya ha baabaeen.kkkkkkkkkkk

  4. Mahado.
    Abaayo iska dhaaf jil jileeca nooooh…. inta aad is qarxisay ayaad rabtaa in aad cid kale ka dul oooydo, adkayso macacaan…kkkkkkkkkkk

  5. Mubaarik

    Kkkkkkkkkk Intuu is qarxiyay ayuu rabaa inuu cid kale ku dul ooyo.

    Beerkiibaa I cadaaday saan u qoslayay. Kkkkkkkkkkk

    Waa jawaabtii uu mudnaa nejisku.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*