DAAWO VIDEO:Dowlada Soomaaliya oo Toos Ula Wareegtey Arimaha Xajka,Qofkii Soomaliland Xajka Ka Adaya Muqdisho inuu Tago Ku Qasban.

Dowlada Soomaaliya Ayaa Dowlada Sucuudiga Toos Ugu wareejisey Arimaha Xajka dadka Ka tagaya Guud Ahaan Soomaaliya Inay Visaha Muqdisho kasoo Qaadanayaan,Taasi oo ku Qasbaysa Soomaliland Inay Visaha Muqdisho ka Codsato.

Awal Hore Ayaa Visaha xajka dadka Soomaliland waxay Udoonan Jireen kenya,Uganda Iyo jabuuti,Balse waxaay Dowlada Sucuudiga Amartay Qof kasta oo Pasaportka Soomaaliya wata Ama Soomaliland Inuu Kasoo qaadanayo visaha Muqdisho.

Arintani oo Noqonaysa 20 sano ka Badan Markii ugu horeyey oo Dowlada Soomaaliya Arimaha xajka Toos Loogu wareejiyo Ayaa Durba Soomaliland Ka qeylisay,waxayna Sheegtay Inay Beesha Calamka dagaal Kula Jirto Soomaliland.

waxaa Maal mahani Soo baxaya Dowlada Sucuudiga Inay Badashey Siyaasadeeda Soomaaliya ,waxaana ka Mid Ah talaabooyinka Ay Qaaday Inay Xoolaha Ka Dhuufaya Soomaaliya Warqada cafimaadka Muqdisho kasoo Qaataan.

Video halkani Ku Dhufo Xajka

Sidoo kale Waxaa Dowlada Soomaaliya Toos Ula Wareegtey Diyaaradaha ka Tagaya Soomaaliya ee Toos u qaadaya Sucuudiga inay Muqdisho taransit Ku Noqonayaan Si baadhitaan loogu mariyo Diyaaradaha Laftooda.

Dowlada Faderalka Ayaa isku dayeysa Inay Arimaha Debada Soomaaliya Looga Danbeeyo Dowlada faderalka Soomaaliya Taasi oo Ay tageereen wasiirada Arimaha Debada ee dalalka jaamacada Carabta Shirkoodi Ugu danbeeyey ee dalka Masar Ku Yeesheen.

Marqaannews

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

4 Comments

  1. Qaddiyadda cunsurnimo ee SNM ka sokoow dhowr sababood oo kale ayaanay anigu iigu muuqanin suuragalka masalada ‘Somaliland’. Waxaa ka mid ah hab u oolka bulshaweynta Soomaaliyeed ee mandiqaddooda aanay cid kale sida qaalibka ah ku tarrixin.

    Marka laga hadlayo Soomaaliyi in ay shan tahay xaqiiqadu waxaa weeye in aanay shan u kala qaybsanayn ee sidaas wax loogu ekeysiiyay. Waa shubuh ee ma aha wax rasmi u jira. Sooyaalka, sinjiga iyo sowraca ba wali waa uun isla tii hore ee is ahayd. Soomaalidu waa biyo meel yaalla oo kale ee aan si kasta oo in la kala mooso la iskugu dayo kala soocmi karin.

    Sida aan hubo Soomaaliyi bulsho iyo dhaqan ahaan wali sideedii ayay isu dhex taallaa laakiin siyaasad qalaad baa walaaqaysa. Waxaa u sabab ah hannaan qalaad oo dhaqan zuul Soomaalida qaarkeed ku sameeyay oo ah halista ugu xun ee ku soo waajahan, dhaqan zuulkaas oo anaaninimo iyo xukun jacleysi reereed ay ka unkameen.

    Xaqiiqadu se waxay mar kasta ahaanaysaa in si kasta oo xuduudo siyaasadeed loogu kala baxo oo lagu na heshiiyo aanay xuduudahaasu waxba tari doonin waayo Soomaalidu waa biyo meel wadhan oo sidooda kale iskugu dhex milman. Xuduudo kasta oo la kala dhex dhigo waxba ka tari maayaan oo waa uun waqti iyo hanti lummis. Xuduuduhu sidooda ba dad iyo dhulal kala ah bay ku habboon yihiin oo ay ka dhex hirgali karaan laakiin dad iyo dhul is ah maya.

    Xaqiiqadan baa dad badan seeggan.

  2. Abeeso iyo iduurba afkoodey eedaan kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk qabiil yar oo qaaddiro indhaha wada qalloocdeen baa doonayo inay sheeko marqaan caalamka ku wareeriyaan, waddan dhisan oo caalamka laga yaqaan baa qabiil gobollo Ka goosanayo oo ictiraaf la siinaya waa sheeko iduur kkkk kkk kkkk kkk kkk waxyaabaha marqaanku caanka ku yahay baa waxa Ka mida: hawo adduun iyo qorshayaal la dejiyo xilliga qayilaadda, subaxdiina midba loo dhiiba oo saxaafadda Ka hor akhriya kkkk kkkk kkk kkk kkkk lama eegin sax iyo khalad waxa uu Ka hadlayo waana afka ay iduurku eedeen been iyo huuhaa kkk kkk kkkk kkkk kkk waynu isku darsannay bay ku leeyihiin kkkk kkk kkk maxa laysku darsaday? Kkkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk somali la gumaystay baa xornimo la siiyay dadkii siiyay xornimada ayay iduur doonayan inay ka dhaadhiciyan waa isku darsannay kkkk kkk kkk gumaysuga Ka hor somalia 🇸🇴 maxaa Ka jiray? Somaliland miya jirtay? Waallida nooca iduur haysa waa mid lo’da ku dhacdo kkkk kk the

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*