DAAWO VIDEO:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Fariin U Diray Soomaliland”Inay Midnimo Soomaaliyeed Miiska usoo Fadhisato”

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) Ayaa Ka Hadlay Qadiyada Soomaliland Iyo Midnimada Soomaaliya Inay Muhim Tahay ,Cid Kastana Anfacayso Soomaaliya oo isku Imaada.

Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen)  Ayaa Sheegay Inay Iyaga Tageersan yahiin Soomaaliya oo Mid Ah Koonfur Iyo Waqooyi Loogana Bahan yahay Soomaliland Inay Miiska Wada Hadalka Timaado Si Loo Xaliyo Tabasho Hadii Ay Qabaan.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) Waxaa uu Intaasi Ku daray Inaysan Jirin Wax Ka Wanaagsan Soomaaliya oo Mid Ah,waxana u kala Qeyb sanaysa Waqooyi Iyo Kuunfur.

Halkani Riix Muuqaalka Daawo

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

7 Comments

  1. Calankoodii bilaa shuruud haloogu celiyo. Kkkkkkk miskiinkani maba yaqaano Soomaalidan uu la hadlayo. Taas waxey ka xigaan oo ay kun jeer ka jecel yihiin Soomaaloo isku madhata. Illeyn dukum daakum Somaliland imika kama dhigi karaan oo wey ogyihiine. Kkkk

    Miskiin yes man ah ayaa raba inuu horjoogihiisa wax u sheego. Aar wejigaaga dadka ka qari adiga hadal kuuma banaanee.

  2. Mubaarik Yusuf

    Sxb in door ahba waxaan damcay inaan kula taloyo oo cayaha reeban aad ka hadho ayaan kugula taliyay.

    Sida ka hadalka iyo cayda dumarka iyo xubnahooda taranka.

    Sida cayda kusaabsan isu taga raga iyo dumarka. Siiba Ragan aad leedahay waxeygay jecel yihiin ama aad dumarka ku tilmaameyso.

    Cayda Qabiilada ee midbaa ka kale wixiisa jecel aad leedahay.

    Hadii shakhsi ku caayo waa la iska celiyaa Adoon waalidkiis gaadheyn iyo qabiilkiisaba.

    Maamul waad qabsan kartaa. Qof Madax ah waad qabsan kartaa.

    Laakiinse sidani si maaha sxb. Xaaraniyiinta dadka caaya hadaad sidoodii kale u hadasho adna xaaraami iyaga la mid ah ayuunbaad soo baxeysaa.

    Ama wado ama ha wadan anigu halkaas ayaan kaaga hadhay. Walaahi waan karaahiyeystaa markaan arko qof cay uun lasoo taagan. Sida kale ee wanaagsan eed u hadasho/kaftanto ayaa kaa badan anagana na deeqda.

    WBT.

  3. Ahmed:
    Aad baan ugu mahad santahay inaad waaniso dadka cayda iyo dhaqan xumida joogtada u tahay, waana arrin muhiim ah in la garto caydaeiyo Aflagaadadu inaysan waxbo u dhimin qofka loo jeediyay balse ay nuskho u tahay kan caytamayo, markale mahadsanid sxb.

  4. Kayse

    Marka hore adaa mudan. Waanad ku mahadsan tahay sida wanaagsan eed iigu raacdey in wanaaga iyo afka wanaagsan la badiyo.

    Marka xigta ma keysahaan aqaaney ee cayda badnaa oo is badaley ayaad tahay mise qof cusub oo nagu soo biirey oo Kaysa la yidhaa?

    Keyse waan garanayaa inaanay Kayse aheyn. Laakiinse labaduba waa isla magacii uun.

    Ii soo sax adoo mahadsan.

    Hadaad kii hore tahayna hadalkaaga wanaagsan waan soo dhaweynayaa. Hadaad qof cusub tahayna soo dhawow.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*