DAAWO VIDEO:Muuse Biixi oo Hadlay Gudigu MD Farmaajo Magacabay,Dowlado Ku Qasbaya Sland Inay La Hadasho DFS.

Muuse Biixi cabdi Ayaa si jilicsan Uga Hadlay Gudiga Ay Dowlada Faderalka Soomaaliya u Magacowday  wada Hadalada Dowlada Faderalka Iyo Soomaliland,waxaana uu ka Hadlay Qodobo Dhowra oo Soomaliland uga hortimi Gudigaasi.

waxaa uu sheegay Inay raga la Magacabay yahiin rag Soomaliland kasoo jeeda Sidaasi darteeda Qadiyada Soomaliya Aysan kala Hadlayn rag Soomaliland U Dhashay,Sidoo kale Waxaa uu ka Cowday Cuna qabatayn Soomaliland Dowlada Farmajao caalamka Ka saartay.

Muuse Biixi oo Hadalkiisa u Muuqanayso Inuu Ahaa Mid ka Jilicsan Kuwii Horay Loogu yaqaaney ,waxaa uu ka Hadlay Qaabka Wada Hadalada.

Halkani Riix Video Muuqaalka

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

6 Comments

  1. waa dad wada dhashay oo is wada dhalay oo isku meel ku dhaqan oo dad iskugu xiga oo aan kala tagahayn oo aan kala guurahay oo aan kala maarmahayn oo aan kala muuq gadanayn, waa dad isku dad ah oo isku Dan ah oo isku deegaan ah oo isku Dal ah, idinkoo siddaa isku ah dirirtiina iyo dagaalkiinu waa doqoniimo iyo magac xumo, qaranka Somaliland na waa u sharaf dhac, iminka iyo haatan wixii dhacay dhace ee ilaahay wanaaga hadin waafajiyo hana idin tuso walaaltinimadiina Ummad dhoobadooda meel laga wada qaaday oo xudduntooda meel lagu wada aasay baad tihiin, colaadiinuna idinkuun Bay Wehel iyo Walaal la’ u tahaye ka waantooba walaalayaal.
    ———————————————————————————-
    KOONFUR/WAQOOYI/ HA IS RAACDO/HA MIDOOWDO/HA NOOLAATO/SOOMAALI/WEYN?…

    • Mingistume

      Ma maanta ayaad soo muslintay? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

      Maxaa ku dhacay neceybkii kaasoo burqan jiray eed had iyo goor markaanu farta ku fiiqno aad uga gaban jirtanay “nin si hadalka u yidhi, nina si kale u qaadey”? kkkk Hadaba sidaas u ogow in hadalada xanafta leh eed iska hantaatici jirtay ay kala fogaanta qeybtooda ka qaadan jireen. Maanta walaalo lama aha. Waxa xaqiiqdii la yahay cadow warmo isku heysta.

      Mingistumow maxaad uga damqan weyday markii Xaarmaao iyo kooxdiisu ay maceeshada iyo risiqa Alle qorey Somaliland kala dagaalamayeen. Maxaa runta uga hadli weyday?

      Su’aalahaas adoon jini iska kicineyn sidaadii kasoo jawaab. Hadii kalena saaxiib waxba qoraal saxa hasoo qorine ku noqo kii kale ee ule ulaha ahaa eenan la fahmi jirin.

  2. Munaafaqiinta gaamuray ee halkan iskugu jiibinaya waxaan leeyahay waxba ilmada yaxaaska ha’iskaga keenina. Munaafaqnimadiina waa la arkaa. Qofkii fayoobi wuu dheehan karaa waxa aad u taagan tihiin inuu khalad yahay.

    Munaafiqiinyahay maxaydin uga dhiidhiyi weydeen intay xurguftu socotey hadaad damiir leedihiin? Waa su’aal aad iyo aad u muhiim ah.

    Munaafiqiinyahay maxeydin uga damqan weydeen oo uga hadli weydeen markii xaajadu murugsaneyd ee uu ka hadalkeedu joogey?

    Munaafiqiinyahay mexeydin u muujin weydeen dareenkiina iyo fikirkiina ku saabsan Dawlada Xaarmaajo ee usoo dhigatay iney illaa iyo xitaa maceeshadii kala dagaalanto Somaliland?

    Horta ma’is weydiiseen cida uu dhaawucu soo gaadhayo? Ma Baayac Mushterigaa? Maa Dawlada Somaliland baa? Mise waa dadka masaakiinta ah, ee shicibka ah, ee qolo walba lehbaa? Dir iyo Daaroodb!

    Haduu Baayac Mushteri noqdo, khasaare badani soo gaadhi maayo, waayo waxey ku jiraan ceymis ama insurance oo dakhligooda waa loo gudayaa. Hadey Dawlada noqotana, iyadu xuduudaheeda ayay xidhaneysaa oo lacagtii neefwalba Berbera looga qaadi jiray ayay ka qaadaneysaa, xuduud walba oo ay xooluhu ka baxaanba. Shicibka xitaa Somaliland ka baxsan ee leh Dawlad Degaanka Somali Galbeed ama Ogaadeeniya ayaa waxyeelada ugu badani soo gaadheysaa. Waayo iyaga ayaa waayaya shilimaadkii yaraa ee kasoo geli jirey neefafka ay iibgeeyaan xiliga Xajka.

    Intiina cuqdada Isaaqnimo iyo neceybka Somaliland dhaansadey miyeydaan damiir laheyn? Sidaan anigu isleeyahay ma lihidiin damiir idinku filan oo aad ku kala shaandheyn kartaan siyaasada iyo danaha dabiiciga ah ee khuseysa nolosha aasaasiga ah ee Soomaalinimo.

    Fariinta aan idin siinayaa waa ORDA OO IS AASA CAWAANYAHAY AANAN BIYAHA IS MARININ.

  3. War waxba yaan lala hadlin, raali kama aha inta uu wado dad Somaliland ka soo jeeda, ma ina jengeli ayuu arkay, war ninkaas isku degaan ma ihidin, waxa fiican in aanba lala hadli, walaahi gurguurasho ayey ku imaanayaan, sidii Cali mahdi yiri.

  4. Axmad.
    ka faraqa ku dhegan dad aan rabin Midnimo aan dhaci doonin ku hadaaqaya saw adiga ma aha.. waalida ku haysa xad ma laha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*