DAAWO VIDEO:Subxanalah Fanaanada Deeqa Afro oo Arimo diinta ka Hor Imaanaya Ku Dhaaqday hadii Ay Dhimato.

Fanaanada Deqa Aden Muse (Deeqa Afro) oo ka Mid Ah Fanaaninta Soomaaliyeed Ayaa Muuqaal Kooban oo Soo Galisey Social Media waxay Kusoo Bandhigtay Arin Buuq Badan Dhalisay oo Lagu Sheegay Inay Dhaqanka Iyo Diinta ka Hor Imaanayso.

Fanaanada Deqa Aden Muse (Deeqa Afro)Ayaa Arinteedaasi Ku Sheegtay In hadii Ay Dhimato ka Codsanayso Dadka Soomaaliyeed Inaan La’aasin Ama la Qabaalin,iyadoona Sheegin sababta Ku kaliftey Hadalkani Muuqaalka usoo Duubtay.

Waxayna Ku Tiri fariinteeda”ASC WAA IDIN SALAMAY DHAMAAN INTA QORAALKAAN ARAGTA AMA DAAWATA WAXAAN IDIN SOO GUDBIYEY ARIN MUHIIM II AH WAANA FIKRADAYDA WAA ARIN INBADAN AAN KU TAAMAYEY PLZ DHAGAYSO WIXII FIKRAD AH ILA WADAAG ADIGOO MASKAXDA KA SHAQAYSIINAYA HA KU DEG DEGIN INAAD SI FUDUD UGA JAWAABTO WAA ARIN MASKAX U BAAHAN IGU IXTARAAM DAREENKAYGA.

Halkani Riix Video Deeqa Afro

Fanaanada Deqa Aden Muse (Deeqa Afro) Ayaana Soo Bandhigin waxa hadalkaasi Ku kalifey balse waxay Jeclayd Ilaa Yaraanteeda Ku fakaraysey.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

4 Comments

  1. Iska daaya weerarka qof, war qofku waa xor, hadeynu maalin kasta ku jirno naag baa lug taagtey iyo shiikh sidaa sheegay, war dadku waa xor Ilaahey wuu cadeeyey qof kastaa diiintuu rabo ha raaco, isagaa og tan toosan, gabadhaas waa muslim lama hayo meel ay diinta uga hadashay.

  2. Waxaa suurta galka ah in gabadha uu ku dhacay xanuun xagga dhimirka ah oo ay u baahan tahay daryeel caafimaad, waliba marka aad u fiirsato muuqaalka ay soo duubtay. Marka fadlan wax qoridda waxaa la socda masuuliyad ay tahay in ilaaliyo xaquuqda qofka ayoon la ogayn xaaladda jirta.

  3. ASC.
    Sammi mala hubaa inaad MUSLIM tahay?. °Sammi DIINTU wey caddaysay Dariiq saxa oo ay qasab-tahay in la raaco. °Ciddi ka leexatana WEY sheegtay halkuu ku dambayn. °Gabar is qaawisana DIINTU wey iska fogaysay. WBT

  4. Marka hore qofka waa xor diintuu doono ayuu raacikaraa Waxaase qaanuunka dal walba ku qoran qofka hab labiskiisa taa waxaa u sii dheer waxyaabo kale ooaan afkayga iyo maskaxdeyda diideyso. Gabadheena waa cod macaantahay waxaana ku raaxaysanaya soomaalida oo jecel codkeeda Laakiin Ha ogaato inay tahay gabar madow oo soomaali ah ooislaam u dhalatay sikastoo ay u dhaqanto cabirkeedu waa waaSoomaali, gabar madow oo Islaam ah oo lanecebyahay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*