DAAWO VIDEO:Madaxweyne Farmaajo Oo Magabay Gudi wadahalada Dowlada faderalka iyo Somaliland Xal U Helaya.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:

  1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). 
    2. Dr.Cali Siciid Fiqi. 
    3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse. 
    4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Halkani Riix Video Magacyada

Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:

1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.

2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.

3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.

4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.

5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1.  yaab aragnay
    Ma aha laba dawladood oo wada hadlaya
    Waa dawladda somalia iyo maamulka gooni goosadkaaa ee soomaalidiidland
    Fahma wax nacallaa cunsuri kuyaale
    Somalia ha noolaato. Ha israacdo oo cadowgeeda haka adkaato insha Allaah

    REPLY

  2. Waxaa ah fariidnimo aad loogu riyaaqo ee isla markaasi na loogu hambalyeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ba in guddi loo magacaabay oo loo na xilsaaray wadahalladan ay Beesha Caalamku haatan ku cadaadisay jabhadda beeleed ee Hargeysa ku gadoodsan. Waa fariidnimo aan ka baqsanaa in ay haleeli waayaan waayo shirqoolka u qorsheysnaa hoggaanka jabhadda SNM ayaa ahaa in labo waddan oo siman qaab u eg ay madaxdoodu iskugu beegmaan oo uu wadahadalku na ku qabsoomo. Waa se lala fahmay oo lagu na qaboojiyay.

    Waxaa se straatijiyaddan ka maqan oo qummaati uga midhadhalin lahayd iyada oo wadahadalkaasi lagu lamaaneeyo qorshe horumarineed oo aad u baahsan oo dhammaan gobollada iyo degmooyinka geyigaasi ay dawladda federaaalku ka hirgaliso si shimbirka iyo shucuurta waddanimo ee shacabkaasi sare loogu qaado oo kalsooni buuxda looga kasbado. Dawladi marka waxtarkeeda lagu diirsado ayaa jiritaankeeda la dareemaa oo loo heellanaadaa. Haddii aanay qorshahan hirgalinin wadahadalku kali ahaantii waxba soo ma kordhinayo waayo beesha jabhadeysan ee lala xaajoonayaa iyo way kala yihiin beelaha kale ee qarannimadooda aaminsan oo geyiga ku dayacan. Waa na qorshe inta yar ee shakigu hayo soo dummi lahaa oo jabhaddan qummati uga takhalusi lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*