DAAWO+XOG: Sir la fashiliyey oo ku aadan dalal caan ah oo ka dambeeya Dilalka iyo weerarada qorsheysan ee Soomaaliya

Soomaaliya waxaa ka dhaca weeraro lagu gumaado dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwii ugu dambeeyey waxaa lagu weeraray xaruntii gobalka Banaadir ee Muqdisho oo uu kasocday shir ammaanka looga hadlayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Sidaas oo kale, dawlado waa weyn ayaa isku eedaynaya qaraxyada Soomaaliya, dhawaan Wargeyska NEW YORK TIMES wuxuu baahiyey in ay Qadar fulisay weeraro Argagixiso oo ka dhacay Boosaaso, waxaana sidaas oo kale horey Qadar Imaaraatka ugu eedeysay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Hardan adag ayaa ka socda gudaha Soomaaliya, dad badan oo Soomaaliyeed ma fahamsana marxaladaha ay dhexda u taagan yihiin iyo sida ay tahay in ay wax uga bartaan oo uga kacaan dhibka haysta.

 

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1. ASC.
    Waa run oo soomaaliya waa lagu hardamayaa.Waxaana dib u celinta soomaaliya loo adeegsadaa dad soomaali ah oo CALOOSHOODA U SHAQAYSTAYAAL AH.Si an gabad lahayn baa soomaaliya iyo soomaaliba loola dagaalamayaa si aysan marna u soo ceshan qarankeedii xamar lagu fara xumeeyey.Jahooyin badan baa soomaaliya dagaalo looga hayaa.Waxaana loo soo maraa kuwo soomaali sheegta laakiin an qalbiga ka ahan soomaali.Calaa kulli xaal dhibaatada soomaaliya haysaa waxay ka soo bilaabatay xamar.Walina xamar bay ku dambaysaa.Haddiise la xaliyo shidooyinka xamar soomaaliya inteeda kale in la aslaaxiyo mudo ma qaadan doonto Insha Allaah.

  2. ASC.
    Qatar, inay ku jirijirtay Wadama qaska ka waday dhulalka Carabta siiba kuwa Waqooy Galbeed sida Libiya iyo kuwo kalaba wey jirtay BALSE kuwa lugooyada maanta ka wada Somalia KUMA jirto. °Marki ay waddamada Carbeed ay ka goosteen xiriirki!!! Somalia kaliya ayay gacan ka heshay mawqiifkeedi horana WEY ka waantooday. °Hadda Qatar waxaa wehel u ah Somali inay Somalia lugooysana WAA u caqli daanyeer-nimo. °Emiraadku wey nagu ABAAL fureen, Waxaan xusuustaa inay ayyagoo Doonyo yaryara iyo TIMIR wata ay Somalia imaan-jireen min Bari ilaa Koofur MARKAASA la dhihijiray WAA MUSLIME HALLA CAAWINO!!! haddana waanoo; “NINKII BARBAARSHAY BAAHAL NOOL °KA BAXSAY AMA BOQNO GOOY” °Kuwa Somalida ee cadaw NOO raadinaa ee mooday in Haddii la waayo QAYB Somalia kamida inay ayyagu jiraan!!! Haka waantoobaan WAX dhici kara ma ahane. WBT

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*