Dagaal ka Dhan Ah Axmed Madoobe oo Kismaayo ka Socda

Kismaayo(Marqaannews.net)-Dagaal Sioyaasadeed ka Dhan Ah Madaxweyne Axmed Madoobe Ayaa Ka Socda Kismaayo oo musharaxinta Ay Awoodooda Iskugu Gaynayaan Iyo Dowlada Faderalka oo tageeraysa

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in ay ka socdaan shirar iska soo horjeedo oo looga hadlayo doorashada Maamulkaas.

Kulamada qaar kamid ah waxaa yeelanaya Madaxda dhaqanka, Guddiga Doorashada iyo Musharixiinta.

Odoyaasha dhaqanka waxa ay doonayaan in si rasmi ah u maamulaan Doorashada iyo xulista Xildhibaanada cusub ee Jubbaland.

Guddiga Doorashada ayaa dhankooda ku haminaya in ay hormuud u noqdaan doorashada iyo xulista Baarlamaanka iyaga oo kor kala soconaya xulista Odayaasha.

Musharixiinta oo qaba tuhunka soo xulashada Xildhibaanada ayaa dhaliilsan habka wax loo wado, waxa ay ku baaqeen in Madax dhaqameedyada loo madax banaaneeyo kala doorashada shaqsiyaadka Xildhibaanada ku loolamaya.

Suldaan Jaamac Xasan ibraahim waxa uu sheegay in uu kamid ahaa Odoyaashii soo doortay Baarlamaanka Jubbaland ee Waqtigiisa dhamaaday, balse laga tiray liiska Ergada.

Sababta looga tagay waxa uu tilmaamay in isaga iyo Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Qorane ay diideen codsi ugu yimid Madaxda Jubbaland oo ahaa in ay usoo xulaan Shaqsiyaad ay u rabaan in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub sida uu hadalka u dhigay.

Xamse Cabdi Barre Gudoomiyaha guddiga Doorashada Jubbaland ayaa ku adkeysanaya in Doorashada ay dhici doonto, kaliya hal Oday dhaqameed oo xanuunsan, soona dirsaday wakiil uu ka maqan yahay Ergada.

Bisha soo socota ayaa la filayaa in dhacdo Doorashada Jubbaland, waxaana Musharixiinta Xildoonka ah ay ka cabanayaan guddiga doorashada oo ay sheegeen in ay u janjeeraan dhanka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Musharixiinta waxa ay ku hanjabeen in ay sameysan doonaan guddi doorasho, hadii la iska indho-tiro cabashooyinkooda.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. ASC.
    Soomaaliya DAB baa looga shiday afarta gees.Dad ka hor jeeda midnimada soomaaliweeyn oo xariifiin ku ah sida sahlan ee soomaali la isugu diro baa dab kula dhex wareegaya.Madax ku sheega xamarna uma jeedaan waxaas oo waxay isku mashquuliyeen say u dumin lahaayeen maamul gobaleedyada dalka ee soo dhisnaa mudo dheer.Dawlad ku sheega itaalka yar xamar oo ay joogto baysan faro ku hayn ee maxay kaloo qaban kartaa?Waa waxba ee saas bay ku dhammaysanayaan wakhtiga u haray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*