DEG DEG+DAAWO: Farmaajo oo amar adag dul-dhigay Kheyre & Fahad Yaasiin

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay amar adag dul-dhigay wasiirkiisa koowaad Hassan Ali Kheyre iyo Taliyayaasha ciidamada oo ku wajahan xaaladda Ammaanka ee caasumada Muqdisho, labo maalmo ka dib markii weerar khasaare badan geystay uu ka dhacay gudaha xarunta gobalka Banaadir oo shir kasocday.

HALKAN KA DAAWO FAAHFAAHINTA

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amray Xukuumaddu in ay la timaado qorshe rasmi ah oo lagula dagaalamaya Argagixisada gudaha iyo tan dibada, oo loola jeeday Shabaabka dawladda ku dhex jira iyo kuwa banaanka ka dagaalamaya.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

4 Comments

  1. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Oo miyuu soo baxay sawtii lawayay
    Sadex sani kahor umaduu kuqalday
    Inuu shabab cidhibtirahayo,kkkk
    Waar waxa cidi ka dhegeysan maysee
    Waxad cuni kartid cun mudada yar ee kuu hadhay.

  2. ASC.
    KU:Axmad.
    Maadaama ad mudo dheer ku soo jirtey weebkaan oo ad marar badan aragtay qoraaladayda in aad maanta igu sheegtid Munaafaq iyo wax la mida waa kuu aragti gaabni adan kala aqoon dadka meesha soo gala dabeecadahooda iyo qoraaladoodaba.Calaa kulli xaal anigu ku oran mahayo waxaad i tiri laakiin u tur naftaada oo iska ilaali dambiyada ku geeyn kara NAARTA SACIIRA oo ah NAAR qofkoo dhan saas u shiidaysa oo ka dhigay daqiiq.Waa iga talo.

  3. ASC.
    Sida la sheego ama muuqta xamar waxaa kala xukuma intaas oo jabhadood oo miduba dhan u gaara wax u wadato.Midkastana waxay leedahay dano ayada u gaara.Midina u danaynmayso shacabka masaakiintaa ee dhexdooda ku godoonsan.Had iyo jeer dhibtu waxay soo abaartaa shacabka an isdifaacikarin ee itaalka yar.Shacabka koonfurta soomaaliya waa looma ooyaan oo Ilaahay (swt) ma ahee cidkale ka jir niximayso.Qaraxii Soobe 800 oo qof baa daqiiqado naftii ku waayey oo an la is weydiin.Kuwii laayeyna ay wali u sii ciil qabaan in ay laayaan ka sii badan.Saas markuu xaalka xamar yahay lama oran karo dawlad iyo dad wax lagu aamini karo baa jooga xamar.

  4. Waxaan la yaabanahay maalinta loo doortay FarmajoMadaxweyninimada wuxuu iclaamiyay inuu la dagaalamaayoAl Shabaab ayaamoayuu dadka u jeediyay jihadaas kadibna wuxuu bilaabay is qurxintiisii iyomuraayo isku aragii
    Attorow, Xaaji Saalaxow iyo Dab la tuurow waxaan idinka codsanayaa oinaan isla ururini inta shacab oo ku dhimatay qarxyada tan iyoFarmajo intuu Madfaxweyne noqday. Maxaa qaldan ma Qandaraas uu qaataybaa Farmaajo
    waxay ilatahay 3 kun waa gaareen. Ma ciidanka intaas tira leegbaa kuwa ay kaneecada ay ka dharagtay qab qabanwaayeen.
    Waan u jeedaa xisaabtuu isa saartay waa ku soo laabasho Kursiga Madaxweynenimo. Qof walba taas wuxuu ka xoigaa Xisbiga Wada jir ninka bada gatay Marnaba ma soo noqonaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*