DAAWO: Maxkamadda Sare ee Puntland oo ku dhawaaqday Kiiskii Caasho Ilyaas

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa ku dhawaaqday xiliga ay qaadayso dacwada la xariirta Kiiskii Allaha u naxariistee Caasho Ilyaas Aden oo ahayd gabar yar oo si bahalnimo ah loogu dilay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda Sare ayaa mudeysay in ay kiiskan dhageysan doonto 17ka bisha nagu soo wajahan ee August 2019,waxayna dhinacyada ay khuseyso ay ku wargalisay in ay waqtiga dhawraan.

HALKAN KA DAAWO MOOSHINKA MAXKAMADA

Maxkamadda Sare ayaa lafilayaa in ay dhageysigeda ka dib soo saarto qaraarka ugu dambeeya ee dhinacyada ay wajahayaan, gaar ahaana kuwii ka dambeeyey falkan oo ay horey labo maxkamadood ugu rideen dil.

Xubno katirsan baarlamaanka Puntland ayaa mooshin deg deg ah ka gudbiyey Maxkamadda Sare ee dacwadan qaadaysa, waxaana wararku sheegayaan in ila hadda uu socdo isku daygan xooga badan.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*