DEG DEG:Dhawacyada Dooxa loo Qaaday Qaar Geeriyoodey Eng Yariisow Hada Xaalad…

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday mid ka mid dhaawacyadii loo qaaday Magaalada Dooxa ee Qatar Maxamed Cusmaan Cali ayaa Galabta ku geeriyooday isbitaalkii Xaaladdiisa Caafimaad lagula Tacaalayay.

Sidoo kale, waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Cabdalla Caaqil oo kamid ahaa mas’uuliyiintii dhaawaca daran uu ka soo gaaray qarixii xoogganaa ee Arbacadii ka dhacay gudaha Aqalka dowladda Hoose.

Marxuumka oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq ayaa kamid ahaa dadkii ugu darnaa dhaawacyada xun ay ka soo gaareen qaraxa, waxaana suura gali weysay in loo qaado dalka Qatar.

Qaar kamid ah eheladiisa, ayaa Saxaafada u sheegay in Maxamed Cabdalla Caaqil ku xirnaa Ogsajiin, taasoo suura galin weysay in madh qura laga furo si uu Qeyb uga noqdo mas’uuliyiintii dalka laga dhoofiyay Khamiistii, Waxa uu noqonayaa mas’uulkii 8-aad inta la xaqiijiyay ee gobolka Banaadir uga geeriyootay qaraxa oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Shabaab, wallow bartilmaameedka weerarka ay ku micneeyeen inuu ahaa James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobe, kaasoo Saacad kahor goobta isaga tagay.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*