Degdeg:- Ciidamada Puntland oo xabsiga dhigay masuul kale oo kashaqeynayay Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa xabsiga dhigay Gudoomiyihii Gudiga Wadada bartamaha Boosaso Shiikh Maxamed Macalin.

Majirto faahfaahin laga hayo xarigiisa balse waxa uu ku biirayaa xubno isla guddiga katirsan oo maalmo kahor laxiray kuwaas oo aan iyana dowlada faahfaahin kabixin sababta xarigooda.

Wixii kusoo kordha dib kala soco

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

5 Comments

  1. Axmed wixii cumaamad sucuudiyan wata haddaad xaaraan ku tilmaantay waa culamadii iyo Ashcaartii diinta islamka, si fudud ha ugu dhicin khadhaa, oraahda iska hubi insha allah.

  2. Waxaa aniga isu kay qaban la’ dad culimo isku tilmaamaya oo haddana diinta u adeegsanaya siyaabo awaamirteeda iyo shareecadeeda ba burinaya oo liddi ku ah sida falalka argigixisanimo iyo abaabulka colaadeed ee dhiig muslim xaq daro loogu daadinayo. Haddii qabyaalad la isku mucaaradayo maxaa diinta loogu dabagabbanayaa way ba xarintay ee? Yaa duulkan baas u banneeyay oo u jideeyay xadgudubyada intaas dhan diinta xaqa ah u geysanaya?

    Middeeda kale ee in la abbaaro uu waajibku yahay waa waxa Puntland u diiday in ay dhaqan galiso nadaamka dawli ee dabaqadaha ismaamuleed ee kala korreeya ku salaysan sida adduunyada inteeda kale. Shacab kasta oo gobol, degmo iyo tuulo ku nool waxay xaqa koowaad u leeyihiin in ay iyagu heerkoodaas isu maamulaan oo ay xukuumadda guud ku xaq dhawrto oo ugu na salaysiiso waxii talo, waxqabad iyo horumar ah (waa waxa loo yaqaanno “localism”.

    Soomaali uun baa caalamka lagu arkay in marka uu reeru gadoodo uu cimaamado iyo khamsaan ugu warmo gurto dhiig muslima oo xaq daro loo daadiyo. Subxaan!

  3. Maanta waxaa ummaddii muslimiinta loo soo adeegsadey mujrimiin gararweyn oo cimaamado madaxa soo saartay oo quraanka akhriyaya si ay dad badan oo maangaabyo u badan u marin habaabiyaan
    Mujtamaca marka la fidnaynayo waxaa la adeegsadaa dhallinyarada aan camalka lahayn shaqa la aanta ah oo cilmiga diintu ku yartahay si la isugu dhexyaaciyo nabadgelyada iyo kala dambaynta shacabka iyo maamulkooda

  4. ASC.
    Saan isleeyahay wadaadada soomaalidaa dambiilayaal ma wada aha.Laakiin qaar badan oo ka mida Diintii Ilaahay (swt) waxay ka dhigeen ganacsi iyo wax ku shaxaad.Nin an aqaan oo wadaad lagu sheego baa mar dhexdaas waxaa u timid gabar soomaali ah oo ku tiri Shiikhoow nin isku kaayo Meheri.Saa waxuu yiri baa la yiri haddii adan isiin $400 doolars ku meherin mahayo.Isla ninkaas mar buu dugsi quraan dhigi jirey oo uu caruurta kiiba ka qaadan jirey $30 bishii.Markii dambuu yiri baa la yiri haddii an kiiba bishii la iga siin $40 waxba dhigi mahayo.
    Halkaan an hadda joogo bilo ka hor nin soomaali ah oo shiikh lagu sheegay baa yimid.Waxaa la yiri ninkaasu jinkuu quraan ku aqriyaa.Shiikhii saas lagu sheegana waa caadi in ay haween soomaaligu ku yaacaan.Saa shiikhaas waxuu yiri baa la yiri qofkiiba waxaan ka rabaa $500 dollars.Waa nin ku soo talo galay beecmshutar oo waxuu watay baa la yiri nin u ah Xisaabiyo.Calaa kulli xaal wadaadadu ma wada xuma laakiin waxaa waayahaan aad u soo batay iimaan laawayaal quraanka gata.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*