Degdeg:- Hakad ku yimid isku socodka gaadiidka magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho “Sababta ogoow”.

sida ay sheegayaan wararka ay heleyso shabakadda caalamiga ah ee Marqaannews waxaa hakad galay isku socodka gaadiidka wadada laamiga ah ee xidhiidhisa magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso ee Puntland.

Hakadkaan  ayaa yimid kaddib markii sida wararka aanu kuhelnay gaari xamuul ah oo siday xoolo tiro badan uu ku dhacay ama ku rogmaday Degaanka Alxamdulilaah ee dhaca wadada laamiga ee labada magaalo isku xidhta.

Rogmashadaan gaadhigaan wadada badhtankeeda ayaa waxaa ka dhashay khasaare intiisa badan soo gaaray xoolihii saarnaa, waxaana jira in ay ku dhaawaacmeen Saddex qof oo kamid ah dadkii saarnaa gaariga dhacay, sidaas waxaa Marqaannews uxaqiijiyay dad Goobjoogayaal ah oo kusugan deegaanka Alxamdulillaah.

Gaadhiga shilka galay ayaa siday Xoolo badan oo ari ah kaas oo loosii waday boosaaso si dekadda looga dhoofiyo maadaama la gaadhay xilligii sucuudiga loo daabuli jiray xoolaha Somalia.

Gaadiidka inta badan ka imaanaya dhinaca Boosaaso ayaan gudbi karin maadama wadada bartankeeda uu gaarigu ku dhacay sidaas si lamid ah gaadiidka qardho kasoo baxaya ayaa iyagana awoodin in ay soo gaadhaan Boosaaso.

Wixii soo kordha kala soco Marqaannew

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. Deeganka alxamdulilaahi waa xadka
    kala qaybiya somaliland iyo soomali
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    waa sababta ay pl u argagaxdo had iyo jeer kkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*