Degdeg:- Laba kamid ah shaqaalaha SOMTEL oo gowrdhaw ku geeriyooday qarax lagu weeraray xaruntooda.

Warar haatan kusoo dhacay warqabadka Marqaannews ee Somalia ayaa sheegaya in qaraxyo lagu weeraray mid kamid ah xarumaha shirkadda Somtel ay kuleeday Somalia.

Qaraxyadaan oo loo maleeynayo in ay ahaayeen bambaano nuuca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray xarunta shirkadda isgaarsiinta Somtel ay kuleedahay Isgoyska Xaafadda Balck Sea ee magaalada Muqdisho.

Labo ka mid ah shaqaalaha Shirkada SOMTEL ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa kuwaas oo aanu wali magacyadooda iyo nuuca shaqo ay qabanayeen aanu helin.

Shirkadda Somtel waxay horay uqabtay cabsi wayn kadib markii dhowr jeer ay heshay digniino culus oo kaga imaanayay kooxda ISIS facaeeda Somalia kuwaas oo shirkaddaan oo hoostaga Dahabshiil waydiistay lacag baad ah balse argagaxisadu utaqaan Zakawaad.

Kal hore maamulka Dahabshiil ayaa shaqaalaha labada shirkadood ku wargeliyay in ay feejignaan badan sameeyaan maadaama hanjabaada daacish ay noqotay mid joogto ah.

Kooxda Daacisha oo raadinaysa awood ay kula tartanta kooxda dalka kaga soo horeysay ee Alshabaab ayaa hadda lacago ka qaada shirkado waawayn waxaana xusid mudan in kooxdaas horay ay udishay inkabadan 10 ruux oo katirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud ee Somalia.

Majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan gowrdhaw oo maanta ah dhacay waxaase loo badinayaa in kooxda daacisha ay ka dambeeyso, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Dahabshiil Group.

Wixii kusoo kordha kala soco Marqaannews

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*