DEG DEG+DAAWO: Xildhibaanda Puntland oo gudbiyay Mooshin xil ka qaadis ah + Mooshin umuuqda inuu guuleeysan karo.

Golaha wakiilada Puntland oo cuskanaya qodob kamid ah Dastuurka dowladda Puntland iyo xeer-hoosaadka Baarlamanka, ayaa mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay, xubnaha maxkamadda sare ee Puntland oo ay ku eedeeyeen caddaalad-darro iyo musuq maasuq baahsan.

Mudanayaasha ayaa sheegay in xubnaha guddiga maxkamadda sare ee Puntland ay dulmi iyo caddaalad-darro baahsan kula kacaan bulshada ay u qabtaan adeegyada garsoorka islamarkaana ay musuq maasuq ku sameeyaan hawlihii garsoorka ee loo xil-saaray.

HALKAAN KA DAAWO FALANQEYN KU SAABSAN MOOSHINKA

Xildhibaananda mooshinka gudbiyay ayaa Golaha wakiilada Puntland ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xubnaha maxkamadda sare ee Puntland maadaama sida ay sheegeen xubnuhu ay gabeen shaqadii loo igmaday.

Xubnaha maxkamadda sare ee dowladda Puntland waxay ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah guddoomiyaha guddoomiye ku xigeenka iyo saddex garsoore waxayna ku shaqeeyaan go’aan wadareed iyadoo mudada xil-hayntoodu tahay 5 sannadood.

Sida uu qabo qodobka 90-aad ee Dastuurka dowladda Puntland xubnaha maxkamadda sare waxaa xilka qaadis ku samayn kara Golaha wakiilada iygoo maraya aqlabiyad hal-dheeriya(1/2+1).

Mooshinkan ayaa ku soo beegmay xilli aan weli la magacaabin guddooomiyaha maxkamadda sare kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore Yuusuf Xaaji Nuur

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

4 Comments

  1. GARAADKU HADDUU SHAQAYN-WAAYO: GUMEYSIGAA SHAQAYN!!!*(puntlaan)?…
    ———————————————————————————
    1)Maalin walba ma ooyaynaa!!, dalkan anagu ma lihin horta miyaa? Hadaan dalka leenahay waddaniyiin ma nihin miyaa oo fartii la doono, danta iyo aragtida xarakada ama qabiilka ku dhisan, si walboo ahaataba maan adeegsanaynaa???
    ———————————————————————————-
    3X Qabiil Lagama Dhamaado Soomaaliyey?…
    1)Daarood?…

    2)Hawiye?…..

    3)Isaaq?……….
    ———————————————————————————–
    we can not be a full government?). iyagoo hashiiya ama/MIDOOBA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*