DULAALINTA KENYA & ISDABAALINTA SOOMAALIDA.!!

DULAALINTA KENYA & ISDABAALINTA SOOMAALIDA.!!

Waxaa jirta in dalalka Mareykanka,Ingiriiska,Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ay culeys ku saarayaan xukuumada Soomaaliya in ay ogolaato in wada hadalo lagu dhameeyo arinta la xiriita muranka ay gelisay Kenya Badda Soomaaliyeed lana joojiyo dacwada taala Maxkamada Caalamiga ee dunida.

Hadaba culeyska caalamka waxaa dhinac socda midkaloo warbaahineed oo gudaha iyo dibadaba laga wado, hadii aad warka imaanshaha wafdigaan soo gaaray Muqdisho iyo ujeedadooda aad ka weyso laanta dhegeysiga ee BBC-da waxaad kaga samri kartaa iney taasi u gacan gashay markii loo raray Nairobi Dowlada Kenya
Balse dadka Soomaaliyeed oo ah bulsho wax dhegeysata oo aan wax aqrin ayaa waxaa nasiibdaro ah in BBC-du ay bogeeda goordambe soo gelisay warbixin ay wafdiga iyo socdaalkiisa ka hadleysa, sheeko dheer kadib waxey soo xiganayaan sida ay sheegeen In warbaahinta Muqdisho ay ujeedada wafdiga ku sheegtay “sidii ay wadahadal ugu furi lahaayeen muranka bada ee ka dhexeeya labada dal”waana qoraal umuuqda in uu dhinac ujanjeero maadaama aysan warbixintooda ku xusin hadalka W/A/Dibada Somalia oo ka hadlay ujeedada wafdiga iyo mudada ay joogayaan dalka Isaga oo aan marna soo hadal qaadin wax wadahadal ah oo ku saabsan bada Soomaaliya, halka ay sidoo kale soo qaateen qoraal ay Twitter keeda soo dhigtay W/A/Dibada Kenya kagana hadleyso socdaalka wafdiga ee Kenya iyo ujeedada uu daarnaa.
Tankale oo cajiibka ah waxey tahay in Warbaahinta Muqdisho qaar ka mid ah aysan sooba hadal qaadin imaanshaha wafdigan iyo ujeedadoodaba, halka kuwa ka hadlay ee soo hadalqaadayna aysan wax taxliil ah oo la fahmi karo raacin warkooda, taasoo muujineysa ineysan si joogta ah ula socon arinkaan gaaray heer maxkamadeed iyo in uu xumaado xiriirka labada dal.

Halkaas marka ay taagan tahay waxaan qabaa inay haboon tahay In Warbaahinta & dadka Soomaaliyeedba ay aad ugu baraarug sanaadaan waxyaabaha ka socda hareerahooda iyo Inaan marna gorgortan laga galin karin taako ka mid ah bada & dhulka Soomaaliya., wixii intaan inagu isku muuqano xoog lagu qaato waayeelkeed.

Sidoo kale waxaa muhiim in aan ogaano In Warbaahintii Soomaalidu ay qaarna Kenya u gacan gashay halka kuwa Muqdisho ka howlgalana ay qaarkood dowladu ka aamusisay arinkaan iyo ka hadalkeeda sida la tuhmi karo, halka kuwa kalena aysan dareen gaar ah ku heyn duulaanka qaawan ee Kenya iyo hadba doc isku qaadkeeda.

=WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!

M A X A A Y A A B I S D A B A Y A A L .!!

W/Q:Abdulkadir Farah Dulyar

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

6 Comments

  1. Curashadii qaranka Soomaaliya muddo yar dabadeed ayay qaar Isaaqa ka mid ahi jaa dudmada billaabeen oo waa kuwii inqilaabkii Hargeysa isku dayay. Sida xaqiiqada ah Soomaalidu Isaaqa way isugu wada cajiimaan diidnimada qarankooda Soomaaliya laakiin waa qalad straatiiji ah, sababta oo ah reeraha Habar Awal iyo Habar Jeclo loo yaqaano weeye kuwa ugu mintidsan ee sida qaalibka ah curiyay oo had iyo jeer na huriya qaddiyadda Isaaqa Soomaalida kale looga faquuqayo. Taariikhda Soomaalida qofkii qummaati u darsa xaqiiqadan ayaa uga dhex bidhaamaysa.

    Kuwa goob walba iyo baraha bulshada Soomaalida iyo Soomaaliya ku aflagaaddeeya oo ug sida xun ugu halgama in aanay qarannimadu sugnaanin labadan reerood bay ka soo jeedaan. Waa dareenka loogu magac daray “Cawo Xumadii Cigaal”. Dadka xagjirnimada lagu ibtileeyay aalaa ba cunfiga colaadaha ayay tooda ku jid marsadaan oo ma aha kuwo u diyaar ah in ay waaqiciga dhabta ah iyo runtu sida ay tahay u oggolaadaan.

    Sababtaas aawadeeda ayay iigu muuqataa in aanay reerahan hadda ay jabhaddii SNM ku soo koobnaatay dhakhsahaas uga tanaazuli doonin mintidnimadooda ay ku dheggan yihiin oo ay ka xigaan in uu dagaal sokeeye dib uga dhex qarxo Soomaaliya. Waxay na ku dambeyn doontaa malahayga in Qaramada Midoobay ay ciidamo dhigi doonaan Woqooyi Galbeed si maamul xalaal ah ee geyiga laga wada leeyahay loogu dhiso oo kuwan na xoog hubka loogga dhigo.

    Iyagu se waxay ku xisaabtamayaan oo aad u jacel yihiin in lagu dhaco qalad ay Soomaaliya xaqeeda qaran u adeegsato weerar hub-ka-dhigid ah oo ay jabhaddan idlaatay ku soo qaaddo marka laga fursan waayo. Laakiin dhici mayso taasu.

  2. Cismaan

    Kkkkkkkkkkk Baqaaq Baqaaq Baqaaq. Kkkkk

    Is xeji sxb. Yaaba is gaadheyba! Kkkkk

    Caalamkii Hargeysa ayuu nala Joogaa. Belona ma jidho. Qaramada midoobeyna waxey tagaan dhulka dadka lagu saxariiriyo. Sxb maxaa jaqaaqda kaa Keeney sownaga intaas madaxa idiin salaaxeyna? Kkkkkkkk Shacabka Somaliland ee aan aniga iyo adiguba ku jirnaa waa maalka ay Somaliland ku faanto.

    Oow, ooh! oo ma waxaad u jeedaa Dawlada Zoomaaliya ee Maka Al Mukarama iyo Villada gabowday Ugaandhiisku ku ilaaliyaani? Agah. Kkkkk Kuwaas warqadahoodii horeba UNtu wey u weydey cid xaarka iskaga bi’isa. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Cismaan

    Safiirkii EUda ee maanta/shaley Hargeysa ka hadley wuxuu yidhi waxaanu Hargeysa ku aragney waanu ka helney. Wuxuuna raaciyay anagu ma jeclon in aanu gaadhi aanan dhaqaaqeyn shiidaal ku shubno. Aka Dawlada Farmaajo. Laakiinse kan socda waa ka buuxin doonaa isaga oo ula jeeda Somaliland iyo hore u socodkeeda. Kkkk

    Sxb sheekadaadu waa riqiis. Sumuni xitaa cidi iskaga khasaarin meyso. Aduunku horemarka Somaliland ayuu ku majiiranayaa oo uu dhaqaale xoogan dul dhigayaa, adna cunfi iyo waxaan loo jeedin ayaad ka hadleysaa. Kkkkkkkk

  4. Ahmed,

    Waa sidii aan idin ku tilmaamay oo waaqiciga ayaydun ookiyaalaha khayaalka ku dheehataan. Ergooyinkan caalamka ka yimaadda Caasimadda Xamar bay marka ugu horreeya ku soo degaan sida uu dhaqanku yahay. Puntland iyo Jubbaland ba way soo maraan oo ay sidaas u amaanaan.

    Ma sida aad wax isu tustay? Mise sida siday xaqiiqadu tahay Ahmedoow? Adigu khayaal baad run is moodsiisay hase yeesho ee Hargeysa waxay ajaaniibtan u soo boqdaan iyada oo Garoowe iyo Kismaanyo ka siman. Muqdisho iyo wax ku dhaw toona ma aha ee la soco. Maamul goboleed ahaan bay Hargeysa ku yimaaddaan.

    Nothing Special About That In The Real World. Special Only In The Sick Minds Of The Separatists.

    KKKK
    KKK
    KK
    K

  5. Cismaan

    Cida indhon i’ida ku socotaa waa adiga. Kkkk

    Khayaal or no khayaal anigu waxbaan ahay. Adigu sacabada ayaad Xaarmaajo iyo Beesha Caalamka sidey Rabi yihiin ka Baridaa iney iga kaa xoreeyaan. Kkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*