FALLO:Soomaliland oo Qab Lagu Ogolaysiyey Midnimada Soomaaliya Iyo Cadhada Shacabkisa Kula Dhacay

Waa hubaal in saluug badani ka jiro qaabka hogaamineed ee madaxweynaha haatan talada Somaliland haya. Marka si loo fiiriyo, waa madaxweynihii codkii ugu badnaa ku soo baxay taariikhda hab doorasheedka hal qof iyo hal cod ee Somaliland. Iyada oo intabadan arrintanina ka dhalatay baahida ay bulshadu u qabtay isbedel gun iyo baar ah oo dhaca iyo waliba iyada oo inbadan oo bulshada ka mid ahi isutusisay in isbedelkaasi uu rumayn karo madaxweeynuhu (musharaxii wakhtigaas).  Haddaba labo sano oo uu xilka hayay madaxweyne Muse Biixi Cabdi waxa muuqata in rajadii isbedelka iyo rumayntii doonitaanka bulshaduba ay noqdeen bar kuma taal aanu ku guul daraystay in uu wax la taaban karo ku qabto kalsoonidii iyo codkii badnaa ee bulshadu cumaamadda ku saartay (social capital).

Waxa dadbadani u arkaa  madaxweyne  Arxan Daran, Aarsi Badan, Aan Dad Isku Wad Lahayn, islamarkaana aan lahayn  aragti iyo istaraatiyad hogaamineed  oo gudeed iyo mid dibadeed toonna, intii uu talada dalka qabtayna noloshii dadka iyo wada jirkoodiiba hoos u dhac baaxad lihi ku yimi. Quus baahsan oo aan hore mid la mid ah loo arag ayaa ka jirta dadka dhexdooda; waxase u baahan daraasadda ayaa ah in quustaas iyo aragtiyahaa taban ee laga qabo madaxweynuhu yihiin qaar ku salaysan xaqiiqooyin farta la saari karo iyo in ay yihiin uun male (perception) iyo masabbid.

Si kasta oo ay wax yihiin, waxa hubaal ah in madaxweynaha haatan talada hayaa uu horjooge u yahay “guri” aad u qaybsan arrintaasina waa mid halis badan, mustaqbalka Somalilandna mugdi badan galisay. Waliba marka la fiiriyo culaysyada ka soo kordhaya dhanka Soomaliya. Iyada oo aanay madaxweynaha iyo xukuumaddiisana ka muuqan fahamkii, kartidii iyo istiraatijiyaddii ay ku waajihi  lahaayeen dawladda Soomaliya oo haatan si farshaxamo leh uga faa’iidaysanaysa sharciyaddeeda (aqoonsiga), dalalka badan ee la aragtida ah ee dunida, kuraasta hay’adihii caalamiga ahaa ee dunida oo ay ku buuxisay magacii Soomaaliya, iwm. Haddiiba laguba sheegi karo “istiraatijiyad”, tallaabada kaliya ee dawladdani qaaday ayaa ah ta ciidan ee dhanka bariga (Tukaraq), taana waxa cad in lagu guul daraystay in loo rogo guul siyaasi ah iyada oo ay weli degaamada Sool iyo Sanaag ku calaamadsanyihiin dhul la isku haysto (tixraac hadalka wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo badan).  Si kastaba ha ahaatee, arimaha aniga oo soo koobaya waxaan ukala qaadayaa kuwo gudaha khuseeya iyo kuwo dibadda ah.

Dhinaca gudaha, Madaxweyne Muse waxa uu ku mashquulay ka aargoosiga dadka siyaasadiisa dhaliila iyo ku tumashada sharciga, lamuranka asxaabta siyaasiga ah iyo ka falcelinta dhaliilahooda halkii uu kaga mashquuli lahaa kamidho dhalinta masuuliyadihii loo igmaday. Waxa astaan u noqotay is adkayn aan jixinjix lahayn. Dhanka kale, Waxa uu  cidhiidhi badan oo dhaqaale  saaray dadka danyarta ah oo ah inta badan bulshada iyada oo la meel mariyay cashuuro badan (biyaha, korontada, maceeshada iwm)  – kaas oo aan loo meel dayin isla markaana aanay garab socon horumar dhanka nolosha iyo adeegyada bulshada ahi. Haddaba horumar la’aantaa, siyaasadahaa bulsho ee arxan darrada ah iyo muranada aan dhammaadka lahayn ee uu kula macaamilo axsaabta  mucaaridka ahi waxay meesha kasaareen rajadii iyo  isku xidhnaantii bulshada oo ahayd xoogga ugu weeyn ee riixijiray  kamidhodhalinta gooni isutaagga. Arrimahaas iyo qaar kale oo badan oo isbiirsaday waxa ay sawir taban kabixinayaan islamarkaana mugdi weeyn geliyeen ku iimaanqabkii qadiyadda, sii waaritaanka hanaankii dimuqraadiyada iyo nabaddii  looga bartay Soomaaliland – kuwaas oo ahaa arrimihii kabayay dooddeenna arrimaha dibadda iyo lagarnaqsigeenii bulshada caalamka.

Siyaasadda arrimaha dibadda marka la fiiriyo, waxa mugdi badani ku jiraa cidaha ay Somaliland saaxiibka yihin, waaba hadii ay saaxiibo leedahaye, iyo waxa ay saaxiibka ku yihiin intaba. Waxa war dhiilo leh ahaa hadal wasiirkii hore ee madaxtooyada (Xirsi X. Ali), oo sirri daari ahaa, uu ka yidhi dood uu kaga qayb galay magaalada Hargeisa kaas oo ahaa in aanay Somaliland hal saaxiib ah dunida ku lahayn?!  Ma xataa Ethiopia, UAE, UK, madaxweynayaashii badnaa ee lala kulmay, dalalkii badnaa ee Africa ee inta badan layskaga daba noqonayay qaar ka mid ahna baarlamaanadoodu inoo imanayeen….?! Safaradii kulmiye odhan jiray waxa nalagusoo dhaweeyey “meeqaam-sare” maxay daarannaayeen? Kuwan hadduse maxay uga dawanyihiin kuwaa hore?

Marka Cilaaqaadka duwaliga ah la eegayo waxa jira mabda’ odhanaya “Dhulka ayaa go’aanka leh” (Geography rules). Marka ay sidaa tahay, waxa hubaal ah in ay Somaliland ka faa’iidaysan kariwayday laba fursadood oo aad u waawayn oo ay haysatay muddo badan. Waa dhul (geography) muhiim u ah dunida, iyo; Soomaaliya oo dawlad la’aan ahayd muddo badan wax culays ah oo badanna aan ku hayn.  Haddaba, muddo aad u dheer kadib in aayaha Somaliland gacanta loo galiyay dawlad (DF) ka talisa wax 5km ka yar oo la yidhi wadahal kala gala mustaqbalkiina ayaa tilmaan u ah sida Somaliland ugu guul daraysatay in ay dunida ka iibiso waxa madaxbannaanideedu soo kordhin karto, ama ka sii mid ahaanshaheeda Soomaliya dunidu ku waayi karto?! Waxa hubaal ah in aanay UAE dano istiraatiiji ah ka lahayn Somaliland, marka lagu daro in UAE ay tahay dal aan miisaan siyaasi ah mid dhaqaale iyo tu ciidan oo lagu tixgaliyo toona dunida ku lahayn. Ethiopiana danaha amni ee ay ka leedahay ay si yaalo kale u maamulan karto, haddana aanay jeclayn in Soomaalidu dhinac` u kala dhacdo?!

Marka ay sidaa tahay, waxa xaqiiqo ah in mustaqbalka Somaliland solo adag sii galay sababahan sadexda ah ee soo socda awgood:

  1. Dunida oo aan Ilaa Maanta Ku Qancin Waxa ay Soo Kordhin Karto Madaxbannaadida Somaliland

Madaxbannaanida Somaliland waa qadiyad taageero sharci, taariikheed iyo doonis umadeedba ku taagan; waxase ayaan darro ah in lagu guul darraystay in lagu qanciyo caasimadaha dunida looga taliyo (London, Brussels, Washington, Moscow, Beijing IWM). Xataa Addis Ababa iyo   Nairobi oo caasimado heer gobol ahi  kuma qancin arintaas ilaa maanta. Umana arkaan soo hadal qaadka soomaliland wax ka badan wax ay gacanta ku maroojiyaan soomaliya marka ay dan kaga dhamaysanayaan. Waxanay inta badan mushkiladdu salka ku haysay qaabka suuq gayneed, aqoonta cidii iibgaynaysay iyo sidii loo iibinayay oo qaldanayd. Waana tan ta keentay markii madaxdii dunidu ku qanci kari wayday in ay qaddiyaddii Somaliland isagasoo riixan dhanka qaaradda Afrika oo aanu xalka arrintu oolin!  Marka la fiiriyo madaxbanaanida South Sudan iyo Eritrea, oo si qaldan mararka qaar dad u barbardhigaan ta Somaliland, waxa hubaal ah in ay ahaayeen go’aanno lagu soo qaatay caasimadaha dunida looga taliyo, kaliya Afrikana loo keenay si ay u shaambadeeyaan. Arrinta Somaliland se dunida taageeradaa kuma haysato ilaa maanta cido dano istiraatiiji ah kaleh oo xoog ku waddaana ma jiraan!

  1. Dabaysha isu Imaatinka (integration) Africa oo aad u Xoog Badan Xiligan.

Waxa xilligan aad uga socda guud ahaan qaaradda Afrika dabaylo is dhex gal (isu imaatin) dhaqaale oo kan ugu dambeeyey uu ahaa heshiiska dhawaan dalalkii u dambeeyey saxeexeen ee “Heshiiska Ganacsiga xorta ee Afrika” (Africa Continental Free trade area agreement). Marka hoos loo sii daadagana, waxa gaar gaar uga sii dhex socda gobolada qaaraddu ka koobantahay iyana heshiis hoosaadyo dhaqaale iyo qaar isu socod oo marka ugu dambaysa laga damacsanyahay in loo bedalo midow siyaasadeed.  Waa run in ay wakhti qaadan doonto ka midho dhalinta arrimahani, hase ahaatee marka lagu daro in dalalka qaaraddu ka koobantahay marka horeba u arkayeen in aqoonsi Somaliland heshaa uu horseedi karo furfuranka dalal badan, waxa hubaal ah in isu hilawgan horta leh ee qaaradda ka dhex abuurmay uu caqabad soo korodhay ku noqonayo arrinta kala go’idda Soomaaliya. Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajana waa aragti ay si fudud ugaga faa’iidaysan karayso dalalka Afrikaanka.

  1. Soomaaliya oo Si Xawli ah Dib Ugu Soo Noqonaysa Saaxadda Dunida

Waxa samaysmay “dawlad” cudud ahaaan iyo dhaqaale ahaanba xawli ku koraysa; dhiirran, leh saaxiibo u daacad ah oo hiil iyo hooba garab taagan; isla markaana garanaysa waxa muhiimka ah iyo halka ay u marayso. Tusaale ahaan, iyada oo ka faa’iidaysanaysa aqoonsiga sharci ee ay haysato, Soomaaliya waxa ay buuxisay inta badan kuraastii iyo xafiisyadii muhiimka ahaa ee Soomaaliya ku lahayd dunida. Waxa ay arrintan ka hormarisay in ay gacanta kuwada qabato dalkeeda oo dhan. Waana arrin culaysyada ay durtaba keentay  u caddahay cidda u dhug leh iyo guud ahaan dadka.

Marka dhanka Somaliland laga eego, jawaabta hoggaanka dalku u ahayaa arrimahaa waa microfone laga dhawaaqo, bari baa nala laayay, caruur baa scholarship loo diiday,  budh lulid iyo xal ciidan oo aan luga adag ku taagnayn?  Waxa runtii cidda talada haysa ka maqan ayaa ah in aan Soomaaliya u baahnayn faro galin ciidan oo toos ah si ay u burburiso Somaliland.

8 COMMENTS

  1. Ahmed SNM,

    Faalladan qummaati u dheeho oo u dhugo waayo haddii aad tahay xaqaani caddaaladda ku dhaqma waad ii qiraysaa in intii aan muddo dheer ba halkan la duulinayay ee caddeynaysay sababaha aanay “Somaliland” u suuroobi karin iyaga oo faahfaahsan la inoo soo dhigay.

    Waliba labada qodob ee ganacsiga/dhaqaalaha iyo xuduudahii gumeysiga oo Afrika ka masaxmi doona marka qodobka koowaad la hirgaliyo waa sidii aan kuugu soo sharraxayay. Waxaad xasuusnaataa sida aan ugu nuuxnuuxsaday in uu caalamku hadda haybsaday nadaam cusub oo heer mandiqadeed iyo heer qaaradeed dhaqaale iyo siyaasad ahaan la iskugu baheysanayo oo xuduudaha isu wada ballaqi doona.

    Qodobka kale ee aan xataa shalay akhyaarta Marqaan la wadaagay waa midka ku saabsan in marka qaab dhismeedka iyo hab u oolka bulshada Soomaaliyeed qummaati loo tixgaliyo aanay dad iyo dhul ba suuragal ahaan karin in ay xuduudo qabtaan. Runta iyo xaqa iyo doodda lagaa helay giddi waa la qirtaa oo la qaataa Ahmedoow.

  2. Korea & China ayaa Somaliland ku qasbi doona midnimo ay la midowdo Zoo malia….itaaal kale ma jiro. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Soomaaliland inta Puntland ay ku hayso dhulkeenii baan soo cesheneynaa oo dagaalka ay dadka soomaaliyeed isku goyneyso Dawlada Federaalkana ay ku hayso aanu midowno siday wx u oortoobeysaa Bal Puntland iyo Somliland arimahooda hala xaliyo

  4. Yaa dhegaystay?

    Maanta waraysiga xildhibaanka somaliland ee yiri meesha u ah madaxtooyada waxaa ku aasan sixir la yiri ciddii meeshaa gashaaba way waalanyasaa. wuxuu yiri xildhibaanku muuse biixi oo ahaa nin wanaagsan oon labaatan sanno soo wadashaqaynay ayaa markuu xarunta madaxtooyada helay oo usoo guuray isbedelay, oo ninkuba ninkii hore maaha, waxaan la yaabanahay meeshan balayaa ku aasan. kkkkkkk

    sixiroolayaal miyay jamhuuriyadii isu bedeshay?

    Waar ninku muu waalayne intaa ayuu casqligu kaga idlaa adna waad jilbaysanayd berigaad weesda ka daba sidey.

    beri dhowna waxay oran doonaan walawayn baa dadka biyaha lagu rusheeyo fashay.kkkkkkkkkkk

  5. Cismaan

    Kkkkkkkkk

    Horta yaa qoraalkani ka yimid oo ku saxeexan ma arkee. Mida kale. Waa runtaa oo waa waxaad soo qorqori jirtey. Marqaan Media oonan ka caaganeyn iney waxaad soo dhigto soo xogato ayaa fikradahaaga isku soo Yara toostoosisay.

    Wax intaas dheer ma arko anigu.

    Dhanka kale iyada oo ay intaas oo dhami jirto ayayna hadana Somaliland aakhirka ka qaadi doonin wax badan. Geeska Afrika Somaliland meel muhiim ah ayay kaga taal. Walaa Geeska walaa Bada Cas ayaaney cidi saameyn kubyeelan Karin iyada Somaliland qeyb ka aheyn. Isbadaladana waxba Somaliland u dhimi maayaan. Farmaajona waxa uu tegi isagoon meelnaba gaadhin.

  6. Dunida oo aan Ilaa Maanta Ku Qancin Waxa ay Soo Kordhin Karto Madaxbannaadida Somaliland
    —————————————————————————————
    1)Hargeyso”: Ma Leh Dhaqan- MagaaLo?….

    2)Dadkeedu”: Maaha Dad MagaaLo.?…….

    3)Meeshaasi”: Qabyaaladu” Waxay Ugu Jirtaa” Kaalinta” Diinta.?…..
    ———————————————————————————
    JeegaanLand Country Is Going To “Hell.?

  7. To: Suldaanka”: Mayalka Adag/suldaanka waligii La Gumeysan/geeska/africa/
    Suldaanada”Soomaaliyeed/koonfur/waqooyi/suldaan/ALA/SHIEKH CISMAAN CAWAD
    ASCW-WABARAKAAT/AMAA BACDI-SALAAN GOBEED BOOWE/WAAN HELAY DHANBAALKII BOGO HORE
    AAD IGU REEBTAY WAAN KAA GUDOOMAY-INA-ADEER?..MAHADSANID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here