Fariin kusocota Puntland “Dad guryahoodi soo gubay yaysan guryihiina gubin!”.

Adduun waa un la daali!…Bal amarka Ilaahay burburkii siduu u dhacay nin kasta madax-weyne iyo ra’iisal wazaare  waan ka dhiganay, shacab la dulmiyay Gaalo iyo Muslimba, magacyo loo soo adeegsaday si aysan u garan cidda dulminaysa, Qarammada Midobay, Beesha Caalamka, Sama-Fal, Maal-Gashadayaal, Deeq-Bixiyaal, Taba-Barayaal, markaasaa nasiib-darrada dhacday siyaasigii la keenaba wuxuu noqday mid doonaya inuu u shaqeeyo oo uu wax ku ahaado magacyadaas!… Ma aha sida dadku qaar moodayaan in magacyadaas ay qasbi karaan dadka Soomaaliyeed ee siyaasi kasta baa rumaysan in xilka aan huwinay uu xiriir kula samaysto magacyadaas!… Wali ma u fiirsatay?!…Bal adigu ka waran madax-weyne, ra’iisal-wazaare, waziir,  Business-Card iska leh oo  madaxda aajnabiga ah ee ay kulmaan kolay safiir ku tahay siinaya  xiriirkiisa shakhsiyadeed! Maba xumaateen haddii ay yihiin madax dalkoodu warshado leeyahay, ama maal qaabeeno ah!…Laakiin nin isagiiba dalal shisheeye ah mushaarka iga baxiya leh oo business card madax kale siinaya, bal qiyaas, maxay u qaadanayaan inuu ka rabo?!…

Siyaasiyiin badan baa keenistooda lagu khaldamay, waxaan xasuusnahay iyadoo SHiikh SHariif Axmedaqoon ahaan iyo khibrad yari lagu dhaliilayo baa Xasan SHiikh Max’ud ha layska qaato la yiri, markii Xasan SHiikh Xoolihii dalka Mood iyo Noolba uu boobay baa la yiri yaan isaga fujinaa…Bal adigu ka waran saliiddii karaysay ka bood oo dabkii ku dhac!…kud ka guur oo qanje u guur! Waa maalin kasta!… Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, in kuwii doortay ay ku khaldameenna iyagaa afkooda ka sheegaya oo meel kasta la taagan, laakiin guddiga uu u xil-saaray wada hadallada lala galayo maamulka Muuse Biixi sabab dhab ah oo uu ku saleeyay soo xuliddooda ma jirto, waxaana la moodaa in dadka uu guddigaas u magaacaabay qaarkood uu yaqaan laakin uusan dan ka lahayn waxay ahaayeen, gaar ahaan General Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen Guul-Wade!…

May 27, 1988, maalin Jimce ah, ayaa si isku mid ah dagaalkii SNM-ta uga qarxay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxaana adkayd in warar sugan laga helo xaaladdii halkaas ka jirtay, war-faafinta dowladdana wax weyn kama aysan dhigeyn. Subaxdii xigtay ee maalintii Sabtiga ayaan xafiiska war-geyskii Xiddigtii Oktoobar waxaan ugu immid tafaf-tirihii war-geyska, Cabdi Idriis Ducaale (Alle ha u naxariistee) wuxuuna ii sheegay baaxadda dhibaatada iyo in labadaas magaalo ay cidlo yihiin, walina meelaha qaarkood uu dagaalku ka socdo, isagoo run ahaantii tilmaamaya inaysan haboonayn in jabhaduhu dagaalka ka bilaabaan magaalooyinka iyo deegaannada dadka shacabka ah!…Wax badan oo uu sheegay baan aad ii damqiyay, meeshii aan fadhiyay baan qoraal kooban ku sameeyay anigoo markaas is leh wax baad maldahaysaa, laakiin aad u xamaasadaysan, markaasaan u dhiibay Cabdi Idiriis si loo shaaciyo, intuu aqriyay buu qoslay oo igu yiri “ Maalmahan oo kale waxba lama qoro!…xataa sheeko jacayl ah”…

“Dad-weynaha magaallada Muqdisho
waxaan u sheegayaa, dad guryahoodii
soo gubay yeysan guryihiinna gubin!”

Waxaan bilaabay inaan aad isula hadlo, waxay ila noqotay ama ii soo baxay in loo baahanyahay war-faafin dad-weynaha si madax bannaan wax ugu sheegta, ama xataa in la helo meel kolba xaaladaha taagan xaqiiqdooda looga waramo, fikir dheer oo maalmo qaatay waxaa ii soo baxday inaan ka faa’idaysan karo oo aan isticmaali karo barnaamij ka bixi jiray Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da oo ay soo wada jeedin jireen Cabdi-Salaam Hereri iyo Yuusuf Xasan maalmaha Axadaha ah oo la oran jiray Waxay Ila Tahay!…Boostada si aan warqadaha uga diro, ayaa ahayd hawl adag oo aan soo maray, waan ogaa go’aanka aan qaatay khatartiisa, laakiin waxaa ii muuqday khatarta inaysan marna baaqanayn!…waxaan arkayay in dabkii gubay Burco iyo Hargeysa uu ku soo fidayo Muqdisho!… Waxaan bilaabay inaan waraaqo u qoro barnaamijkii waxay ila tahay, anigoo adeegsanaya magaca Alle-Yaqaan, muddo ayaan qoraaladaas u dirayay BBC-da anigoo Muqdisho ka qoraya, aadna u baqaya,haddii laygu ogaadana aan shaki iiga jirin inay naftayda ku kici lahayd.

Muddo kooban gudaheed waxaa Muqdisho soo buuxiyay dadkii ka soo cararay ama ku soo ceyrtoobay magaalooyinkii dagaalladu ka dhaceen, waxay ahayd musiibo dalka ku soo waa-bariisatay, Muqdisho iyo guud ahaan magaaloyinka dalka intooda badan ma aysan ku baraarugsanayn waxa dhacay iyo dhibaatada baaxadda ay leedahay waxaana intii hore oo dhan loo haystay rabshado yar-yar war-baahin xogta laga qaato amaba raadin karta, ama haday hesha sheegi karta ma aysan jirin!…Waxaa arrin naxdin leh ahayd markii la arkay faraha dadka soo qaxay, mana jirin wax xil iska saaray dowlad ahaan, hasa yeeshee guud ahaan shacabkii Soomaaliyeed ayaa dadkaas u kacay oo u gurmaday haddii ay ahayd Laas-Caano, Garowe, soo wad ilaa ay Muqdisho ka imaanayeen, waa ay jireen dhacdooyin gaar ahaa oo dadkaas la soo gudboonaaday oo meelaha qaar laga soo sheegay laakiin aan badnayn. DHaqaalaha iyo tabartu ha iska yaraadaan guud ahaanse wax laga hagraday  dadkaas ma jirin.

Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen, wuxuu ahaa taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed xilligaas, way iska muuqatay in dadkii soo qaxay ee ka soo tegay guryahoodii, hantidoodii, iyo deegannadoodii ay ku dayacnaayeen magaallada Muqdisho, waxaase arrin naxdin leh ahayd in Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade uu dad-weynihii Muqdisho ugu baaqay inaysan dadkaas soo dhoweyn!…Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade, bishii Oktoobar 23, 1989 wuxuu qabtay shir jaraa’id isagoo eedaynaya shacabkii ka soo qaxay Burco iyo Hargeysa, una sheegaya shacabka Muqdisho inaysan soo dhoweyn oraahda ugu xanuunka badanyd ee aan wali xasuusnahay waxay ahayd “Dad-weynaha magaallada Muqdisho waxaan u sheegayaa, dad guryahoodii soo gubay yeysan guryihiinna gubin” waliba qaab digniin ah, waxaan filayaa codkaas in wali la raadin karayo, sidaas daraadeed Cabdi-Raxmaan Guul-Wade kaalin uguma bannaanna kulan kasta oo dib u heshiisiin Soomaaliyeed khuseeya, gaar ahaan gobollada Woqooyi ee Soomaaliya, waayo ninka sidaas u hadlay isagoo dowlad ah oo aan jabhad ahayn, oo ku shaqaynaya in uu u dhaartay sugidda amniga ummadda…

Dowladdii baa dhacday
Cabdi-Raxmaan Guul-Wade
oo wali raadinaya Alle-Yaqaan!

Maalintaas markii uu shirka saxaafadeed qabtay isla habeenimadaas baan ka diyaariyay qoraal jawaab u ahaa hadalkiisa oo aan u diray BBC-da iyadoo magacaygu yahay Alle-Yaqaan, oo aan isticmaalayay 1988 markii dagaalladu ka dhaceen gobollada Woqooyi ilaa ay dowladdii dhacday…Inkastoo aan baqdin ku joogay oo aan hortiis madaxdii dalka BBC-da jawaab u mariyay waxayse iigu darnayd maalinkii aan isaga u jawaabay!… Waa marka horee isla markiiba wuxuu amar ku bixiyay in la soo qabto si dhaqso Alle-Yaqaan, waxaa baaritaan lagu sameeyo SONNA, Radio Muqdisho, iyo Xiddigta Oktoobar qorayaashooda, weriyeyaal saaxiibaday ahaa oo joogay SONNA iyo Raadiyo Muqdisho oo aan ogeyn inaan aniga ahay Alle-Yaqaan oo qaarkood ay hadda ku noolyihiin Kanada iyo Yurub baa si sheeko ah iigu sheegay inay u yimaadeen saraakiil kala duwan oo ka kala socday NSS iyo CID oo ka wareystay waxa ay ka yaqaanaan ama ay kala socdaan Alle-Yaqaan, waxayse iigu darnayd markuu nin ka tirsan boliiskii Soomaaliyeed oo CID ahaa oo aan magaciisa hore keliya aan garanayo oo la oran jiray Daahir uu habeen inooga sheekeeyay in dowladda oo dhan ay raadinayso nin Alle-Yaqaan la yiraahdo laakiin Gen. Guul-Wade uu ku dhaartay……..laakiin Alle kama dhigin tiisii…..

DHinaca kale, marka la eego xubnaha kale ee guddigan uu madax-weyne Farmaajo ula baxay Guddiga Qaranka ee Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaad u moodaa inuu ku xushay rabitaankiisa shakhsiyadeed, oo uu inkiray dadkii sida qotada dheer taariikh ahaan ula socday anaaniyadda beenta ku salaysan ee madaxda maamulkaas qaarkood ku eedeeyaan shacabka Soomaaliyeed, taasi waxba kama duwana sidii ay u dhaqmayeen Xasan SHiikh Max’ud iyo SHiikh SHariif oo iyagu dhaqan ka dhigtay inay shir kasta oo maamulkaas qolaaca lala geliyay  ay u diraan saaxiibbadood!…Waana sababta wada hadaladaas marna horay ugu socon waayeen ama wax natiijo ah oo run ku salaysan looga maqli waayay… Waxaa hubaal ah in Farmaajo uu si ula kac ah ugu daray guddigaas General Cabdi-Raxmaan Guul-Wade, isagoo ka dheregsan  xogtiisa intii uu safiirka ka haa dalalka shisheeyaha ah siiba intii uu safiirka ka ahaa dalka Sacuudiga markaas dadka laga soo tarxiilayo dalkaas  waraaqaha guri-aadista (Go-Home letter) oo safaaraduhu lacag la’aan ku bixiyaan uu kaga iibin jiray lacag gaaraysa 500 dollar!… Mana dhicin isaga ka hor safiiradii soo maray dalkaas inay waraaqahaas muwaadhiniinta laga soo tarxiilayo dalkaas ka iibiyaan.

Waxaana xusid mudan in maamulka Somaliland uusan marna arag madax ay ka daacad tahay wada hadallada ama wada xaajoodka la galayo, waxaan sida marar badan la sheego wada hadalo kasta oo furmo looga hadli jiray waxyaabo ka sokeeya magaca wada hadallada ay huwan yihiin iyo ujeeddada lagu sheegay in loo qabanayo. Waxaa marar badan dhacday in wada hadalladaas ujeeddadoodii la bedelo oo ay noqdaan kuwo looga hadlayo dano dhaqaale oo markaas ay madaxda federal-ka ay u fasaxdo maamulkaas arrimo ama mashaariic kaga xiran madaxda federalka iyadoo taas bedelkeeda ay madaxda federal-ka mashruuca ay fasaxday ka qaadanayso saami lacageed, marka maamulkaas iyo siyaasiyiintiisa waxay in badan dareensanyihin ama ka dhaadhacsan inaysan jirin wax dowlad fedral ah oo ay ka dhab tahay inay la xaajooto, wuxuna ay  iska yihiin shirar lacag lagu wada samaynayo, haddii aan taas la bedelinna waligeed arrintu waxay ahaanaysaa I Jiid aan ku jiidee ilaa uu dalka sidaas ku kala go’o!…

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*