** Hambalyo iyo Boogaadin Bahda Marqaan Media **W/Q:Taajka Maakhir

Si kal iyo laab ah ayaan idiin kaaga mahad naqayaa tallaabadan dheeriiga ah ee aydun qaaddeen ee wararka muuqaalka ah. Waa tallaabo saxsan oo tayadiina saxaafadeed sare u qaadi doonta haddii uu Eebbaheen ka raalli noqdo oo waxaan waliba idiin ku guubaabin lahaa in aydun heerarka ka sii sarreeya uga sii ambaqaaddaan waxii suuragal ah.

Xaqiiqdii waxaa baahi dheeri ah loo qabaa warbaahiye TV ahaan ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn qummaati iyo qaab caalami ah u matala oo laga dheehan karo warar, faallooyin iyo falanqeymo ay tayadoodu aad u sarreeyaan oo shacabka gobolladan iyo Soomaaliweyn ba u noqda masrax aqoon korodhsi iyo wacyi galin ba uga faa’iideyn kara.

Sida sharafta lagu dheehay ee aydun akhristeyaashiina u qaddarisaan waa abaal weyn ee aynu idiin kaga qabno inteenan idinka na aad idiin qaddarisa.

Mahadsanidin.

waxaa Nasoo Gaadhsiiyey Qoraalkani

W/Q:Taajka Maakhir

Kana Mida Akhristayaasha Site Ku taxan Mudo Dheerna Ku taxna Inaan Soo Gudinana naga Mudan.

waxaan jeclaan lahayn Akhristayaasha Magacooda saxda Aragtitooda Ku Dhiibtaan Si’ Aragtida Aqoonta usoo Bandhigno

__________________

Waxaanu Idinku Mahad celinaynaa Akhristayaasha Qoraaladina Dhiiri galinta Bil kasta waxaanu Daabaci Doona halka Qoraal ee Ugu wanaagsan Siyaasada,Ama Aragtiada Aad Qortaan.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. Bahda Marqaan News,

    Aniga oo is lahaa bal qoraalkaagii dib uga war doon baad igu la kadisateen isagii oo cinwaan rasmi ah.

    Markii aan hambalyadaas iga daacadda ahayd hawada idiin soo dhigay waxaan arkay ogaysiiskiina loo baahnaa ee igu wargaliyay in la i xaqiijinayo qofka aan ahay inta aan qoralkayga la soo fasixin oo aan ka fahmay tallaabo kale oo iga dambeysay ee iyana aydun aad ugu mahadsantihiin, taas oo ah kala shaandheyndta akhristeyaashiina xushmadda mudan iyo kuwa webka naga wasakheeya.

    Mahad naq ballaadhan kun jeer oo kale iga guddooma mudaneyaal iyo marwooyin. Viva Marqaan News.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*