Iiraan oo sii daysay qaar kamid ah shaqaalihii saarnaa markabkii ay ka qabsatay UK.

nimada Ururka Shaqaalaha Adduunka
Isku Day Afgambi Oo Ka Dhacay Gobolka Amxaarada Ethiopia
Trump Oo 6 Bilood Kadib Ka Hadlay Booqashadii Xaaskiisa Ee Ahraamta Masar
Hay’adda Barakacayaasha Iyo Qaxootiga S/land ayaa Soo Bandhigtay Qorshaha ay ku shaqayndoonto

Iran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa siidaysay 9 Shaqaale u dhashay Hindiya oo la socday Markabka MT Riah oo ay marin-biyoodka Hormuz ka qabsatay.

Sidaa waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Hindiya, laakiin waxaan illaa hadda la garanayn sababta ay IRAN ula hadhay 3 Shaqaale Hindiyaan ah, maaddaama oo ay Markabka la socdeen 12 Shaqaale ah, oo ay u siidaysay 9 Xubnood.

Dawladda Hindiya ayaa ugu baaqday Xukuumadda Tehraan inay soo dayso Saddexda Shaqaale ah ee aanay weli siidaynin “9 Shaqaalihii Markabka ah ayaa la sii daayey, jidka ay ku soo jiraan oo halkan ayay iman doonaan dhawaan..”ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Hindiya, Raveesh Kumar

Hindiya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay IRAN dammaanad-qaadday in Qunsulkeedu uu arko 18 Shaqaale Hindiyaan ah oo la socday Markab kale oo IRAN ka qabsatay UK, kaasi oo magaciisu yahay Stena Impero.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*