Jubbaland oo u jawaabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland waxa ay cadeysay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda ayna masuul ka yihiin Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbaland.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxay cadeynaysaa in liiska odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

Jubbaland waxay hoosta ka xariiqdey inaysan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dowlada federaalku aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka Jubbaland.

War saxaafadeedkan ayaa jawaab u ah waraaq ay shaley soo saartey wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee DFS.

 

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. ASC.
    Axmed, maba oga inay DAWLAD SOMALI jirto qasabna ay tahay in amarkeeda la raaco. °Ummadda Somali uma qabirnaakarto qabqable Dagaal Marka waa inay; Culumada, Salaadiinta, Nabad-doonnada, Aqoon-yahannada reer Awoowe ay la-taliyaan Axmed Madoobe oo ha ogolaysiiyaan tartan caafimad qaba Waa dhammaaday Xilligi Qabqable Dagaal uu xoog wax ku noqojire. °Caqliyoow ku mee!!! ma dhici karto inay Dawladda Somali raalli ka noqoto Inuu Qabqable dagaal uu is-hortaago soo kabashada iyo geedi socdka Ummadd Somali. WBT

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*