Laba Gabdhood oo Qalbigeenu tabi Doono.

Laba Gabdhood oo Qalbigeenu tabi Doono.
Hodan Naaleeye (AHUN) oo fulisay dardaarankii Saado Cali Warsame (AHUN) oo soo tababartay:

Wedkaynnu Ku Kala Horreyne
Kulligeen Waan Hoyanaynaa…

Clip-ka hoose waxa ka muuqda labadooda oo ku wareegaya dad aad u darxumeysan oo beryahaas soo galay xeryaha qaxootiga ee Kenya 2011 oo ah waqtigii baro-baxa ugu weyni ka dhacay gobollada Koondurta dagaallo iyo abaar dartood.

Sida ka muuqata fiidiyowga waxay si aad u naxariis badan ugu dhaqdhaqaaqayaan sidii dadkooda dhibaataysan wax loogu qaban lahaa iyagoo la doodaya madaxda hay’adda qaxootiga (UNHCR).

Waxa ka mid ah madaxda ay la kulmeen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo waqtigaas haystay Hay’adda Qaxootiga UNHCR oo aad arkayso inay aad ugu tirtirsinayaan in dadkan wax loo qabto.

Ilaahay ha u naxariisto labadaas dumara ee naftooda u huray ama u shahiidday soo-celinta sharaftii Soomaaliyeed, iyo inta kale ee la midka ahba.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*