Maamulka Muuse Biixi oo ka Qeyliyey Farmaajo

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Golaha Wasiirada Somaliland,waxaana Shirka Guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici) iyo inta badan Golaha Wasiirada,isla markaana waxaa looga hadlay sida maamulka Somaliland uu sheegay weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale tilmaameen in dowladda Soomaaliya ku hayo Somaliland oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn,balse dedaal dheer oo Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka Sacuudiga.

Sidoo kale Golaha Wasiirada maamulka Somaliland ayaa sheegay in aad uga xun yihiin weerarrada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland.

Intaasi kadib ayaa kulanka waxaa laga soo saaray War-saxaafadeed u qornaa sidan:

Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.

Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii bareerka ahaa ee dowladda Federaalka ku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga.

Somaliland waxay si ballaaran ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dhinac.

Haddaba, Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore.

Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

17 Comments

  1. farmaajo sadex weerar oo uu ku qaaday somaliland sadexdiba wuu
    ku guuldaraystay
    1.isku daygii qaadhanbixiyaasha uu kaga codsay in isaga laso mariyo
    taaso ay midawga yurub ku gacan saydheen.

    2.isku daygii uu damcay inuu ku joojiyo hedhiiski horumarinta
    dakada berbera,
    taaso ay imaradku ku qoslay shegayna inaanu farmaajo shaqo ku laheyn berbera.kkkkkkkkkkkkkkkk

    3.tan ugu danbeysay ee uu geed dher iyo mid gaabanba ufulay joojinta
    xoolaha ka dhoofa dekeda berbera
    taaso uu iyana ku fashilmay markay somaliland kahawlgashay dawlada
    sacuudiguna fahantay shirqoolka farmaajo.kkkkkkkkkkkk

    Hadaba farmaajo oon laheyn awood ciidan oo uu cid wax kuyelo oo
    nabadeyn kari waayay wadada kaliya
    ee loo maro xafiiskisa,maka almukarama
    Ayaa wuxuu isticmaala kaadh ah inuu aduunyada ka haysto aqoonsi diblomaasiyaded kaasna ilaa hada
    taayir wuu rogi kari waayay kkkkk

  2. ASC.
    UMMAD qabyaaladi dilatay oo dhega là. °Bal caqligaan day;
    -Beesha Ciise Xisbi ma leedahay? MAYA.
    -Tan Gadabuursi ma leedahay? MAYA.
    -Beesha Warsangeli Xisbi ma leedahay? MAYA.
    -Beesha Dhulbahante Waxay leedahay Xisbi ka madax bannaan Maamulka Isaaq (SOMALILAND).
    -Beesha Isaaq Waxay leedahay SADDEX Xisbi; Kulmiye, Ucid Iyo kan Habowga ah ee WADDANI.
    °§*WAH WAH waxaasa lagaa yiraah Maamul Beeleed. WBT

  3. Axmed Somali
    magacaad wadato iyo ismalaha qabyaalada aad ku hadaqayso.
    Taasi waxay noo cadeynaysaa inaad tahay oday wayn oo faaruq ah.
    Bsl ufiirso qoraalkayga hal qabiil kumaan xusin kaliya waxaan ka hadlayay siyaasad.
    hadaad dood haysid waxay aheyd inaad dood siyaasadeysan kahadasho
    Calaa kuli xaal waxaan ku oran lahaa magaca aad wadatid iyo qoraalkaga is waafaji.
    hadii kale iska dhig magaca.

  4. Ahmed faaruq
    Wiilasha baydhabo ma waxad kawadaa digil iyo mirifle.
    Waar kuwaasi waa dadkeyga waana kuwaan
    Doonayo inaan kaa xoreeyo dameeryahow cawaanka ahi.kkkkkkk

  5. Markaan waxa Xoolahaas lagu siidaayey ee codsadey in la siidaayo Raiisal wasaara ku xigeenka amarkiisa ayaa lagu fasaxay, markii isaga odayaal Ganacsato ariga laheyd la hadleem, waxaase jira in aaney dhici doonin dib dambe in ay Berbera ka dhoofaan Xoola aan ruqsad ka haysan Dowlada federaalka, Beenta inaka daaya iyo Sucuudi baa siidaayey, waxaad dadka ugusheekeyneysaan, qaar halka wax ku qoray.

  6. Shalay wixii dhacay. Muuse oo ooyay.

    Shalay wasiirkii federaalka ahaa oo jooga jidda ayaa loo gudbiyay cabasho ah in hadii xoolaha lasoo celiyo ay dhici doonto khasaare aad u weyn oo berbera ganacsateedi aanay qaadi karin. kadib wasiirku wuu ku gacansayray oo yiri sow idiinma digin inaad rukhsadaha soo qaadataan intaan dhuumaalaysi wax lagu rarin. kadib ayaa odayaal ay kujiraan xildhibaano samaroon ah ay farmaajo u tageen oo yiraahdeen wasiirka naga hadal, kadib ayaa madaxweynuhu wasiirka la hadlay waxaana la isku afgartay in markan oo qudha la rogo shixnada wasiirkuna warqad degdeg ah u jaro laakiin waxaan dhamaan laga saxeexay inaan mar danbe cid aan rukhsad dalka ka haysan dawladda dhexe aanay shaah ka cabbi doonin sucuudiga, carabtii ganacsiga lahayd iyo baankiiba aad bay u xanaaqeen oo waxay ballan qaadeen inaan kol danbe wax rukhsad la’aan ah aanay iyagu lacagba ku bixin doonin.

    Muuse sidii dameerkii ha u ciyo amam dadka been haku maaweeliyo isagoo kaba leefaya way waa la arkay, wax ka cabaad iyo qaylo badana majiran kolka xaaladu xumaato isagoo kolka hore aad isu waalaya.

    Muuse xaarwalwaaloow soo ciyaar.

  7. Xoolihii way degeen magaca Somaliland ayay ku degeeen… Xaar maajo warqadiisii carabtu xaarka ayay iska tirtay

  8. Xoolihii markabka way ka degeen dekeda jidah ayay ka degeen document Somaliland ayay ku degeen, warqadii Xaarmaajo soo qoray sucuudidugu xaarka ayay isaga tireen.

  9. Sucuudigu haduu xoolaha ka iibsan waayo Somaliland waxaa dhacaya in, Golf of eden, qqooriga Cadan aanu marin markab Sucuudi ah shidaal wada burcad badeed ayay noqon badu. … markaa sucuudigu isgaa danaysanaya cid kale u danayn maayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*