Maamulka Soomaliland oo Xidhay 4 Xildhibaan iyo Sababta loo Xiray

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xiray afar xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka Magaalada  Gabilay.

Xildhibaanada oo laga soo xiray Gabilay ayaa loo dhaadhiciyay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa halkaas oo lagu xiray xarunta danbi baadhista.

Xildhibaanadan ayaa horseed ka ahaa mooshin la doonayay in xilka laga qaado Duqa Gabilay arrintaasi oo muran abuurtay.

Warar kale ayaa sheegaya in loo xiray tuhun la xidhiidha in ay ka danbeeyeen nin maayirka Gabilay sheegtay oo saaka u warramay BBC-da.

Maamulka Muuse Biixi Ayaa Wada Dagaal uu Kula jiro Cida Siyaasada kasoo Horjeedo.

3 COMMENTS

  1. Xildhibaannadu shacab ay matalaan baa xasaanadda ku galladay oo u igmaday. Waligeed ma dhacayso in shacab lagu muquuniyo wax aanay rabin si kasta oo loo cadaadiyo. Dawladnimadu waa rabitaanka shacabka.

    Biixi waa nin uu daad qaaday oo xumbo cuskanaya. Waa jabhad macangag ah ee qaddiyad bakhtiday isku dayayaa in uu sanka ka afuufo. Talis kasta oo ay ku dabayartahay waa lagu yaqaannaa in uu mar ba gidaar isku qaado oo uu xadhig iyo xabsi miciinsado. Waxba se tari mayso oo naxashkii baa u diyaar ah.

    Dhul ninkiisii baa iska leh.

  2. Haddaad aragto xildhibaan iduur oo la xiray waa laan gaab aan ka mid ahayn habraha, qofkasta oo lagu bahdilo maamul beeleedka iduur waa laan gaab ogoow taas.

  3. Kayse,

    Saaxiib “laangaab” wax dhab u jira ma aha ee waa aflagaaddo ay Soomaalida edebta darani Soomaali kale u geysato. Xildhibaanadani ma aha iidoor ee waa Samaroon oo Dhulbahantaha sidooda muddo dheer xasuuq iyo dilal kala nooc ah loogu geysanayay magaca “Somaliland”. Macquul ma aha markaasi in ay iidoorku ka nasabsan yihiin Samaroonka.

    Kaysoow dhibta geyiga taallaa ayaa waxay tahay in ay Isaaqu qabtii dabadeed meel marsadeen qaddiyad u gaar ahayd oo toos ugu saamaxday in ay waxii ay han, himilo iyo hanti lahaayeen qaddiyaddaas dul dhigaan. Ciddii qaddiyad lihi waxay ku laazimtaa in ay dadaal xooggan u gasho siyaabihii iyo asbaabihii ay ku hirgashan lahayd oo sidaasi aawadeeda waxyaabo badan baa ugu baxa oo ilo badan baa ugu furma.

    Beelaha intooda kale qaddiyaddoodu waxay ahayd qarankooda Soomaaliya oo ay ka rajo qabeen in uu mar dib ugu soo noolaado muddo kasta oo ay ku qaadato. Han iyo himilo kale ma aanay lahayn. Waxay taasu kalliftay in ay Isaaqu awooddooda dhistaan oo ay isu hubeeyaan in ay toodaasi fushadaan oo na difaacdaan, halka ay beelahan kale iska seexdeen oo ay iska sugeen in ay Xamar dawladi uga bilato. Maankooda ma galin Soomaali ayaa dib dambe isugu hub urursanaysa aafaadkii dhacay ka dib, laakiin Isaaqu dagaal hor leh ayay isu abaabulayeen maadaama ay gooni u goosad ahaayeen.

    Labadaas maan ee kala jeeda ayaa sababay in ay Isaaqu beelahan kale uga itaal roonaadaan oo uu faraskoodu uga dheereeyo. Maadaama ay baahiyo iyo duruufo adagi jireen siyaabo xoog iyo xeelad isugu jira ayaa beelahan lagu kala xaday oo lagu kala dhambalay. Waa laga caqli iyo farsamo badiyay ee laga ma laandheersana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here