Macluumaad kooban:- Dayax Madobaad xalay ka dhacay guud ahaan Dunida “hal sano iyo jeer”.

Dhamaan qaaradaha Dunida Saqdii dhexe ee Xalay waxa qaarkood laga arkay Dayax-madoobaad oo uu awoodi karay qof walbo cirka ama samada Eega.

Dayax-madoobaadkan ayaa meelaha laga arkay waxa ka mid ah bariga Qaaradda Afrika oo ay ku jiraan deegaannada Soomaalidu degto.

Dayax-madoobaadka oo bilaabmay Saacadda bariga Afrika markii ay ahayd 11:30-kii ayaa socday muddo dhowr Saacadood, isagoo Dayuxu si tartiib-tartiib ah u soo cadaanayey Saacadba Saacadda ka dambaysa, illaa markii dambe uu wada Cadaaday.

Dayax-madoobaadka ayaa ka mid ah Calaamadaha waaweyn ee Allaah SW, sidaasi awgeed ayaa Dadweynaha ku nool Dalalka Muslimka ah ee Dayax-madoobaadka laga arkaa waxay oogaan Salaad, taasi oo la wado illaa inta uu Dayuxu ka Caddaanayo.

Sannadkan gudihiisa, waa markii labaad ee Dayuxu Madoobaado.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*