Maxay ka caroodeen Xildhibaanada laga soo doorto Somaliland ee katirsan Baarlamaanka Somalia?

Xildhibaanadda kasoo jeedda deegaanada Somaliland ee ku jira labadda aqal ee baarlamaanka Dowladda Somalia, ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda sare ee dalka, iyagoo ku eedeeyay eedeeyeen inay cuna-qabateyn saareen maamulka Somaliland.

Mudanayaashan ayaa beeniyay hadalkii Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in Dowladda Somalia ay fasaxday markabkii ku xayirnaa dekedda Jeddah ee dalka Sucuudiga oo waday tiro badan oo xoolaha nool ah.

Sidoo kale, Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu cunna-qabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo xilka loo doortay.

“Madaxda dalka hoggaaminaysa waxay caqabad ku yihiin Somaliland, waxaan halkan ka caddeynayaa in Madaxweyne Farmaajo oo ugu sarreeya uu qaadayay tan iyo markii lasoo doortay tallaabooyin ka dhan ah maamulka Somaliland oo aan kasoo jeedno,” ayuu yiri Xildhibaan Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada ugu afka dheer baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Xildhibaanku wuxuu xusay in Dowladda Somalia ay baabi’isay heshiisyaddii ay horay u wada-gaareen maamulka Somaliland iyo Dowladda Dhexe ee Somalia, kuwaasoo uu xusay inay ahaayeen kuwo lagu doonayay in la isugu soo dhaweeyo labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dhankiisa hadlay ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha Somalia Farmaajo oo tan iyo markii xilka loo doortay uu hagar-daamo ku hayya Somaliland oo uu sheegay inay horumar iyo nabad-galyo aan la dhayalsan karin ay ku tallaabsatay.

Ugu dabeyn, Xildhibaanadda ayaa sheegay n aysan jirin door ay Dowladda Somalia ku leedahay hannaankii lagu sii-daayay markabkii xoolaha siday ee ku xayirnaa boqortooyadda Saudi Arabia.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

12 Comments

  1. hussein carab ciise iyo kuwa lamidka ah ,marka hore mawqifkooda ha caddeeyeen,haddii ayrumeysan yihiin soomaaliland dawlad ka madaxbannaan soomaliyada kale ,ha iska aadeen somaliland ,haddii kale sidii ay u aamusnaayeen ha isaga aamuseen-hussein carab Hargeysa ma tagi karo ,waxna kama ahan ,meesha uu joogo oo xildhibaan uu ka yahay waa xamar ,waa inuu xamar ku xirnaadaa,ku mawqif ahaado-qabyaalad bay meesha la wada afdheer yihiin ,lacag bay bilaash isaga qaataan ,afxumo bay ku dareen,adeer runta raggaan ha la taabsiiyo ,jooga oo nala socda ,haddii kale baxa oo hargeysa aada.
    tan kale inta meesha ka qeylinaysaa waa hal qoys,micnaheedu sow ma ahan ,in soomaaliland qabiil tahay,qabiilna ay ku taageerayaan

  2. Waa danahooda iyo hawlaha maraakiibta. Ilbaxnimo iyo bisayl siyaasadeed baa laga filayay laakiin se waxay muujiyeen caadifad aad u liidata iyo waddaniyad uu shaki ku jiro. Arrinkani nabar xun buu ku noqday mintidiinta SNM ee isu haystay lama taabtaan kibirku iyo qooqu ka badbatay oo markii ay waaqiciga isku dhaceen uu qabkoodii dhaawac xumi ka soo gaaray.

    Runta meeshan taallaa baa waxay tahay in sharciyada, xeerarka iyo qawaaniinta dawliga ee caalamiga ee haatan dalka Soomaaliya lagu dabaqayo ay toos isu taabteen kuwa Hargeysa khayaalka iskugu maaweelinaya ee isu arkayay in ay waxa ba ka sarreeyaan. Dadka uu dhimirku saaxiga yahay ee ilbaxnimada dunida la jaanqaaday way dhaadan yihiin in sharciyada, xeerarka iyo qawaaniinta oo loo hoggaansamo ay meel kasta caadi tahay oo ay ka galgashaan oo kali ah kuwa sharci darada iyo ruufyaannimada ku dhaqma.

    Dhibta meeshaas ka dhacday waxaa eeddeeda toos u xambaarsan qawsaarada jabhadda SNM ee sharciyada, xeerarka iyo qawaaniinta caalamka is inkirsiiyay oo ka dhega adeegay in ay waraaqaha loo baahnaa dawladdooda Soomaaliya ka soo qaataan. SNM baa waxaas oo dhan kass u burisay oo dadkaas maciishaddoodii ka galaafatay. Iyaga ayaa luggooyadaas u lahaa oo in lagu kaco uu waajibku yahay. Dawladda iyo Madaxda Federaalka ee Xamar eed kuma leh haba yaraato ee.

    Kuwa anaga nagu xagxaganaya dembi aynaan lahayn xaqa iyo runta ayay qiiq iyo boodh isleeyihiin ku qariya oo noocooda waynu naqaanaa. Waa hasha geela cuntay ee haddana cabaadkeeda laga hadhsan la’yahay.

    • Soomaaliya iminka waxaa laga dhaqan galinayaa hannaanka dawladeed ee rasmiga ah oo waxaa dalka daafihiisa kala duwan lagu wada dabaqayaa sharciyada, xeerarka iyo qawaaniinta qaranka iyo kuwa caalamiga sida waddamada kale ee adduunka ka jira. Ma aha wax cusub. Meel kasta se waa lagu arkaa tuugo iyo ruufyaan suuqa madoow iyo sharci darada ka ugaadhsata oo dad masaakiin ah ku dul khamaarta.

      SNM waxay la dhaqan noqdeen dikteetarada iyo qabqableyaasha maafiyada ee shacab aan hubeysnayn si xun ugu adeegsanaya hawlahooda budhcadnimada iyo ruufyaannimada salka ku haya. Waxii sharciga waafaqsan way ka cabaadaan oo qiilal jaban u raadsadaan. Laakiin waynu wada ognahay sida iyo halka ay ku dambeeyaan tuugo kasta oo caynkaas u dhaqanta sida qawsaarada daroogooyinka caalamka ka ganacsata.

  3. Farmaajo ha ogaado xataa kuwa la jooga inay sOmalilander yahiin

    SHIINUHU MEEL KASTA UU TAGO WAA SHIINE UUN.KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  4. Xaaji Saalax

    Kkkkkkkk Illaa iyo kuwii Xamar la joogay ayaa imika arkey cadaawada Xaarmaajo. Waase diciifyo. Iney iskaga soo huleelaan bey aheyd.

  5. Cismaan Ciil Qabe

    Shaleytoole kolkaan daanyeernimadaada ka hadlayay een lahaa dad masaakiin ah oo cidwalba leh oo xitaa ehelkaa ku Jiro ayuu Xaarmaajohan aad Qabyaalada ku taageertaan markuu si kale oo uu Somaliland wax uga qaado garan waayay usoo mar is yidhi. Adna aad farxad iyo yididiilo ka muujisay waxaad ku andacootay qalbadeyda ayaad akhri is leedahay. Kkkkk Munaafaqnimada waataas. Shaleyna waad dafirsaneyd maanta waxaan kaa sheegayay ayaad qiratey. Kkkk

    Marka la eegayo qawaaniinta sharciga ah iyo dadka oo Dawladnimo lagu dhaqo waxey leedahay habab iyo jaranjarooyin loosoo maro. Waa inaad marka hore ahaataa Dawlad dhab ah oo jirta. Dawlad wax xukumi karta. Dawlad dhulka ay ka talineyso gacanta kubwada heysa. Dawlad amarkeeda hadii laga soo horjeesto sharci iyo cududba ku meel Marin karta. Dawlada Xaarmaajo waa muuqaal u yaal uun. Wada Maka Al Mukarama iyo Villa Zoomaaliya ayay ka dhex jirtaa. Alshabaab ayaa Magaalada inteeda kale ka talisa. Alshabaab ayaa ka Dawladeysan waayo dadku iyaga ayay ka danbeeyaana. Xitaa Maxkamadahooda ayaa la tegaa oo Amarkooda ayaa Muqdisho ka socda. Kan Farmaajose meel dheer ma gaadhi karo.

    Kolkaas Madaxweyne doonaya inuu dad aanu soo gaadhi Karin warqad uu Beesha Caalamka u qorey ku leeyahay iigu xakameeya waa wax lagu qoslo. Kkkkkkk Adna waxaas ayaad qawaaniin iyo sharciyad ku tilmaameysaa. Illaa iyo Sucuudigii Arinta la qaatey ayaa kolkuu arkey inaaney waxaasi shaqeyneyn dib candhuuftiisii u liqey. Kkkk

    Kolkii hore ayayba khalad aheyd in meel aanan laga aqoonsaneyn uu u hanqal taago. Waxa uu si badheedh ah uu shiishka u saarey shacabkuu yidhaa waanu u tudhnaa. Waxa ay Xaarmaajo iyo Qudhmiska uu meeshaas ku shiiraa go’aan ku gaadheen in ay shacab Reer Miyi ah oo Abaaro kolkoodii horeba aafeeyeen ku tiigsadaan oo arsaaqadii iyo quudkii uu Illaahay u qoray kala diriraan. Si ay dhaawac usoo gaadhsiiyaan Dawlada Somaliland. Adna waad ku raacsan tahay Cismaanow.

    Hadaba eeda cida iska leh ee Aduunyadoo Dhami Qirsan tahay waa Xaarmaajo iyo Qudhmiskiisaas Villa Zoomaaliya ku Shiira.

    Dawladnimada khalad baad ka fahansan tahay Cismaanow. Beesha Caalamku iska daa Somaliland oo Dawlad Gaamurtey lehe xitaa koox yar oo isu tashatay ayaanay khasab wax ugu yeedhin Karin. Sulux iyo wax is tusid bey ku shaqeeyaan. Warqada uu Xaarmaajo qoreyna illaa xitaa Sucuudiga oo ku raacsanaa oo ay Dalkiisa gaar u khuseyso wixii gelayay ayay ka shqeyn weydey, misena waa Beesha Caalamka dadka u dhexeeyaa.

    Saan hore u idhi Warqad walba oo Xaarmaajo kasoo baxdaa socon meyso. Towelette paper ama Warqada jilicdasan ee xaarka la iskaga masaxo waxba noogama duwana.

    FARMAAJO WAXA KELI AH EE LAGU XUSUUSAN DOONAA WAA MADAXWEYNIHII U HOREEYAY DUNIDA EE TAANGI SANGADHUUDHI UGAANDHIIS AHI KU ILLAALIYO DHEXDIISA WARAAQO KASOO XARXARIIQEY UU KALA DAGAALAMAYO QUUDKII IYO ARSIQII ILLAAHEY U QOREY SHACAB SOOMAALIYEED OON WAXBA KA GALABSAN. SHACABKII UU WELIBA ISAGU SHEENAYAY INEY YIHIIN SHACABKIISA.

    • Nacas iska hantaataca ayaad Ahmedoow ku soo baxday. Tabar iyo taag ba waxay kaaga soo hadhay in aad “xaar” iyo wax aan ragga u qalmin ku caaytanto adiga oo ah nin weyn oo gadh iyo gafuur ba leh.

      Xishoo oo wax isku la hadh maandhe.

  6. Somaliland ma isaaq baa? war xishooda. bela aan idinka ahayn ee Somali ku dhex jirta malaha, kan hadlaya ee ee u hadlaya Musa shaani ,isagu ma tegi karaa woqooyi, iyagu ma aaminsan yihiin in uu iyaga matalo? waa maya. waa in isaga impishment lagu sameeyo. lagu celiyo woqooyi ,ha u tago muse. nacaskaasi.

  7. Ahmed
    Daa lacagta hala boobane kolay hargeysa ayay daaro kaga
    dhisanayaan,waxaan maqlay carab ciise iyo wasiir beyle ay daaro
    dhaadher ka dhisteen hargeysa.

  8. War dagdaga
    Waxa isoo gaaraya inuu farmaajo ka tanaasulayo kiiski bada
    kadib culays kaga yimid midawga afrika.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Wadanimoy xaal qaado

  9. Faqashta iyo qadadweynta waa inay Somaliland ka dayaan fara-galinta qaawan ay marwalba ku hayaan. Kolay faqashta iyo qadadweynta hablohoda wey iga ilaaliyan. Waaley Somaliland waa gob.

    God Bless Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*