MD Deni oo Degmo kabaxday gacanta Somaliland umagacaabay Maareeye Garoon diyaaradeed.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Badhan loogu magacaabay Eng Cabdiraxmaan Cabdi Shire halka Axmed Jamaal Axmed loo magacaabay xisaabiyaha garoonka diyaaradaha degmadaasi Badhan.

Labada nin ee la magacaabay ayaa sida la sheegayo kamid ah dhalinyarada aqoonta leh ee ku nool degmada Badhan iyadoo hore madaxweynaha Puntland-na u ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay dhanka shaqooyinka mudnaan gaar ah siinayso dhalinyarada Puntland ee waxbartay.

Degmada Badhan ayaa kamid ahayd degmooyinkii ugu dambeeyay ee sida tartiibta usoo galayay gacanta Puntland kadib markii gobolka Sanaag uu ka curtay kacdoon meleteri oo somaliland jab iyo niyadjab kasoo gaaray maadaama askar saraakiil iyo deegaano gacanteeda kabaxeen.

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. Waligeed badhan somalidiidku Mahaysan iidoorna waa cidaanu janis akahelin kumaduulo dakuna waa bell belina beelkale Awood uma shegankarto waxaaayaa daro haysataa laascaanod maxaabiistii somalidiidka puntland kasooqabatey 3 baa idoor ahaa 14 waxay ahaayeen reer laascaanod waxay cadeeyneysaa in laascaanod yahya dadwada awrkiraalaah oo aan qadiyad lahayn kana fikireen mustaqbalka ilmahooda waxa idoor didey oo ayka cararyaan in aad adigu yeesho isdoor soomaliwey in laga badanyahy buu kacararayaa reer SSC waxay kadhasheen qabaailada somaliweyn ugu awooda iyo tirada badan maxuu jeesyari kudabdhigey ood ka abtirsiinyo fiicantahay kan laandheertahy waa ayaan adro

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*