Musharax Oomaar “Axmed Madoobe dagaal ayuu rabaa aniguse nabad ban larabaa Kismaayo”.

Musharax madaxwaynaha Jubbaland maxamed cabdullaahi oomaar ayaa saakay Facebookiisa kusoo daabacay sababta uu uga baaqday safarkiisi kismaayo.

Qoraalkiisa ayuu kuyiri

Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska horimaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro.

In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow).

Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran.

Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland Kama dhici doono. Caqliga ha shaqeeyo.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*