Puntland oo soo bandhigaysa qaraxyada dowladda Qatar ay ka fulisay deegaanadeeda.

Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriiriyay qarax 11-May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso.

Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

4 Comments

  1. ASC.
    1.Ma moodaa in uu Marqaannews sii daciifayo ooba laga yaaba in dhawaan albaabada la isugu dhufto?Waa lagu soo maqan yahay allmarqaan.
    2.KU:Xaaji-Jeegaan.
    Halkaas waxaad u fadhidaa cay iyo wax xun sheeg oo camal kale ma lihid.Waxbarashana ma aadid oo haddii ad aadid waxaa laga garan lahaa qoraaladaada la moodo in uu soo qoray 6 years old kid.Camal kalena ma haysid oo had iyo jeer halkaas baad ka soo caytamaysaa badaw yahoow ilkahu madoow suu cagaarka u daaqayey.War Geela maxad uga duwan tahay illaa geelu geeduhuu daaqaa adiguna waad daaqddaaye?Geelaba ku dhaama illaa cidna ma caayee.

  2. Atoore take it easy,dee budhlayn sirdoon iyo ciidan nabad sugida maleh.
    Ma intasad kacadhootay,oo wabad dhawdhawdahaye,kkkkkkk yaaba isgaadhay.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*