QISO MURUGO LEH :Xaaskaygi Aduunka Ugu Jeclaa Iyo Dhimashadii Muqdisho Iloowi Waayey

Xaaskayga isku Xirfad ayaan ahayn waxay igula kaftami jirtey “Caafimaadka waxaan u Bartay inaan Bulsho badan caawiyo lkn sidaad ii soo Guursatay shaqadii waan iska daayey adiga dartaa ee Goormaad ii ogolaan inay shaqadii caafimaadka dib ugu laabto “?

Aniguna waxaan ugu jawaabi jirey shaqadii Bulshada mid ka balaaran ayaad haysaa adigaan dareensanayne , sababtoo ah waxaad gacanta ku haysaa caafimaadkooda iyo noloshooda aniga iyo labadeena caruurta ah masuuliyad kaweyni majirto hawshaad gacanta ku hayso .

Runtii Xaaskaygu aad bay ii jeclayd aniguna sidoo kale jacaylkii aan jeclaa ma qiyaasi karo ,Xaas keliya iima ahayne waxay ii ahayd wax walba , aad ayay iila talin jirtey dhinaca shaqada nolosha .
Weligeed hadal aan dhibsaday ima oran !

Waxyaabaha caajiibka ah ee aan ka xasuusto waxay ahaayeen arimo layaab leh oo tiro badan Waxay ahayd qof nolosheeda oo dhan jadwal u yeeshay aniga ii yeeshay waxaa saacado go”an u lahaa xiliga ay caruurta casharada u akhriso ,xili ay caruurta si gaar ah ula sheekaysato marna uga sheekayso sheekooyin ay caruurta ugu talagashay inay maskaxiyan ugu dhisto , xiliyo ay ugu talagashay inay aniga gaar waqti iigula qaadato ,mararka qaarkood waxay i oran jirtey Maxaa kuu qorshaysan inaad gaarto waqtigaa hadii la gaaro , maxaad u qorshaysay caruurteena markay intaa gaaraan ? waxay iweydiin jirtey suaalo aanay weligay maskaxdooda soo gelin ,markaas ayaan iyada kala tashan . waxaan ku oran jirey allah ayaan u mahdinayaa inuu isiiyey marwo allah dhamaystiray dhinac kasta !

Waxaan ka shaqayn jirey cisbitaal asbuucii laba mar ayaan shaqo subaxii goor hore lahaan jirey ,maalmahaas weligeed may iloobi jirin quraacda marar fiidkii ayay sii diyaarin jirtey oo kululayso ayay iisii gelin jirtey , mararka qaarkood waxaan soo kici jirey habeenka barkiisa anigoo suuli u socda mise way soo jeedaa oo waxay ii diyaarinaysaa quraacdii berito waxan oran jirey maxaad isku dhibaysaa quraacda magaalada ka cuni lahaaye .

waxay iigu jawaabi jirtey waa wax aad xaq iigu leedahahay hadaan kasoo waayo aakhiro xaqaaga aakhiro adiga miyaa iga difaaci doona waa maya , waxay doonayaa intaan noolahay inaan ku raaligeliyo si aan abaalmarin ugu helo janada ! intaan yaabo ayaan ku oran jirey maxaad sidan oo dhan ugu fiican tahay , waxay iigu jawaabi jirtey anigu iskama fiicnaan , markaan adiga kaa helay naxariis ,jacayl ,qadarin ayaan aniguna sidan noqday .

Waxaan maskaxdayda ka bxin hadalo ay I oran jirtey oo ahaa “ waxaad tahay dhakhtar wanaagsan meel kastana shaqo waad ka helaysaa aniguna garabkaaga ayaan taagnahay oo dhinacayga ayaan ka shaqaynayaa ee inaga kaxee magaaladan muqdisho inta amaankeedu hagaagayo oo aynu degno meelaha kale ee xasiloon ee soomaliya aad ayaan kuugu cabsadaa ,welwel badan ayaan dareemaa intaad shaqada ku maqan tahay “

waxaan ugu jawaabi jirey magaalo cusub inaan degno wax hawl yar maahee allah aan iska tawakalno .
maalin malmaha kamid ah anigoo guriga jooga oo fasax ah ayaa dagaal ka dhacay xaafadii aan deganayn xabado wiifto ayaa xaaskayga ku dhacay iyagoo dayrka joogta oo dhar dhaqaysa ,xabadahaasna ayay u dhimatay alle ha u naxriistee !

waxay igu adkayn jirtey haday iga hor dhimato inaan labadeena gabdhood la saaxiibo oo aan waxbarashadooda ku dedaalo , waxaad moodaa hadaladaasi inay dardaaran ahaayeen .

Dhimashadii xaaskayga kadib nolosha ayaa ciriiri igu noqotay magaaladii muqdisho waan joogi kari waayey ,waan kazoo tegay waxaan imi Magaalada Boosaaso shaqo fiican waan ka helay ALX .

Dardaarankii xaaskayga waan oofiyey caruurttaydii waxaan u geeyey xaaskayga hooyadeed oo si fiican u daryeesha aniguna wax kasta wan u sameeyaa caruurtayda ,maadaama aanan isku magaalo joogin labadii biloodba mar ayaan booqdaa.
Waxaa markasta qalbigayga kusoo laalaabanaya siday dunida iiga tiirisay dhinac kasta ,talooyinkeedii naxariisteedii , qadarinteedii , farxadii ay isiisay , waa markaan qiray xaaska wanaagsani inuu yahay janadii ooo aduunka qayb laguugu soo hormariyey ,waxaan garwaaqsaday in xaaska wanaagsani yahay wax aad dunida dheer tahay .

Waxay ahayd qof markasta u taagan dhiirigelintayda ,hadii khalad aan sameeyana indhaha kama laaban jirin, waxay awood iyo karti u lahayd inay I toosiso si xikmadi ku jirto , Aqoon maadi ah haday noqotana inay iga sarayso maahee igama hoosayn .

Marar badan ayaa Qoyskaygu iigula dedaaleen inaan Guursado lknse taas wan kari waayey waayo Qalbigayga ayaa I oranaya alle ha u naxriistee Xaaskaagii mid lamid ah mahelaysid ,wixii kasooo hara Qalbi jab ayaad ka qaadaysaa . Rabiyow way i Raali gelisey ee Raali ka noqo .
alle hanagu kulmiyo Janada .

Diraasado laga sameeyey dunida arimaha qoyska ayaa sheegaya in dadka dunida ku nool keliya 18% ayaa ku guuleystay iney helaan lamaane ay aaminsan yihiin inuu guurkooda ku habboon yahay naftoodana u qalmo. Anigu waxaan qirayaa inaan kamid ahay dadka nasiibka u helay lamaane ku haboon

W/Q Abdirizak Jubba

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*