Raadka booqashadii kheyre ee waqooyiga gaalkacyo ilaa goorma ayuu sii jiri doonaa?

Booqashadii reysul wasaaraha Somaliya Xassan Cali Kheyre ee Waqooyiga Galkacyo waxay saameynteedu jiri doontaa inta uu madaxweyne Deni fadhin doono madaxtooyada Puntland!, waayo socdaalkaas wuxuu fariin macaan ka gudbiyay Mudane Kheyre iyo saameynta xukuumaddiisa Nabad iyo Nolol, wuxuuna dhinaca kale mid qadhaadh ku noqday maamulka Puntland oo uu ka bixiyay waddo siyaasadeed ay suuro gal tahay in siyaasiyiin badan ay mustaqbalka dhow usoo maraan Puntland!.

Xidhiidhka labada dhinac oo kolkiisii horeba doodo badan lahaa ayaa haddana arintaan waxaa ay ka sii dhigaysaa mid waji kale oo cusub usii yeesha xadhig-jiidka siyaasadeed ee labada dhinac!, waxaa badan doona wararka qoraalka ah (Warsaxaafadeedyada) ka soo bixi doona labada dhinac todobaadyada iyo bilaha na soo haya!.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. ASC.
    Booqashadii dhuumaalaysiga ahayd ee uu Xassan Cali Khayre ku tagay gaalkacyo dhanka puntlaan wax saamayn iyo dhiilo ah kuma ay reebin ardiga puntlaan.Xassan waxuu ku soo gabaday balan qaad uu horay dad wax uga balan qaaday ee si kale kuma uu imaan waqooyiga gaalkacy.
    Tan kale haddii uu Xassan Cali Khayre wanaag iyo itaal hayo muu ku maamulo xamar oo ay BOMKA iyo BAASUKUHU caadi ka yahiin?

  2. Aniga waxay ila tahay haday somali wax garanayso ha,iska Eryen xassan Cali khayre,iyo Maxamed Abdulahi farmajo.oo Qaraxyada somali lagu dhameyey ka warqaba wadanka ka masulka ah,oo waliba xirir dhow laleyihin,waxan huba in somali wax garadki kadhamaday,taas waxa taad mar khati ka,ah 2 nin oo somaliya cadawgeda 1aad saxibka laha dadka kahadli wayey madadba?.m

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*