RWasaaraha Galmudug oo si kulul uga hadlay wixii kadhacay Muqdisho.

Madaxa xukumada galmudug Dr sheikh mohamed shakir ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada iyo dhamaan shacabka somaliyed.

“Innaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun.
Anoo kuhadlaya Magacayga Iyo magaca Galmudug waxan Marka Hore Uga Tacsiyeynaa Shacab iyo Dowladba Masuliyintii ku Shahiiday Qarixii Khawarijtu kageysatay Xarunta Dowlada Hoose Ee muqdisho, waxana Leeyahay Alaha Unaxaristo Inta Lamidka Ah ee dhawacyadu Soo gaareen Caafimad Deg Deg ah alaha Siiyo.

Madaxa xukuumada ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo.

Khawarijtu Malaha kala Sooc shacab iyo madaxba waana Cadow Ubaahan in meel looga soo wada Jeesto.

waxan Umada Somaliyed ugu baaqayaa In loo midoobo Kooxdan aan Laheyn Hadaf iyo Yool aan ka aheyn Gumaadka Iyo ciribtirka Umada Somaaliyeed.
طوبا لمن قتلهم او قتلوه
Xafiska Warfaafinta Madaxa Xukumada D_G.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here