Sawiro:- Banaanbax lagu eedeynayo DfS laguna taagryay Axmed Madoobe oo kadhacay Kismaayo.

Bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo faragalinta qaawan ee DFS ku heyso arrimaha Jubbaland gaar ahaan doorashooyinka qabsoomi doona ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Kumanaan dadweyne oo ka kala yimid xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay socod dheer ku soo mareen wadada halbowlaha u ah magaalada waxa ayna wateen boorar ay ku xardhanyihiin qoraallo ka turjumaya midnimada Jubbaland.

Bannaan baxan oo ahaa mid nabadeed ayaa baaq loogu diray Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta iyo Shacabweynaha Jubbaland sidii ay uga wada qayb qaadan lahaayeen ilaalinta nabad galyada iyo xasilooniada deegaanada Jubbaland.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*