SIR LA HELAY:Qaraxii Muqdisho Dowlada Hoose oo Masuulin Hagayey La Sheegay”Dad Gudaha Jooga Hagayey”

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa sheegay in weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday xarunta dowladda hoose laga hagayay gudaha xarunta.

Tuulax; ayaa sheegay in dib loo baarayo kaamirooyinka ku xiran xarunta Gobolka islamarkaana la hubinayo in Haweeneyda isqarxisay ay cid kale la shaqeyneysay taas oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa liidata isaga oo wali ku jira qeybta xaaladda deg degga ah.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu suuxsanyahay islamarkaana diyaarad gaar ah ay maanta u qaadeyso dalka dibaddiisa si halkaas loogu soo daweeyo isaga iyo dadka kale ee ka tirsan Gobolka Banaadir dhaawacyada culusna soo gaareen.

Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay baaritaan ku heyso sida xarunta Gobolka Banaadir oo ka mid ah meelaha ugu amniga badan Muqdisho qof isa soo miidaamiyay ku galay.

15 COMMENTS

  1. Warar hordhac ah ayaa tibaaxaya in gabadha isku qarxisay gudaha xarunta Gobolka Banaadir ay ka soo jeeddo gobollada waqooyi galbeed somalia 🇸🇴 waxana lagu sheegay habar Jeclo ama Gudabiirsi, weli baaritaan ayaa socdo iyadoo la rajaynayo in qaraxan xarunta gobolka banaadir oo fashilin doono shabakad isku xiran oo Ka dhisan gudaha muqdisho, waxa la baarayaa caamarooyinka xarunta, waxaana la isku raacay in qaraxa laga hagayay xarunta gudaheeda,inta dhimatay Alle ha u naxariisto inta dhaawacana ha bogsiiyo, ilaahay dhagar qabayaasha dadka dhiiggooda bannaystay ha hoojiyo adduun iyo Aakhiraba waaba hoogeene.

    • Waryaa Baraja laawe ilaahay kacabso oo dadka inaad ceydo yaa kuubaneeyey ilaahay miisaanka Ayuu kugu buuxin madaxda caydeeda aad caadaysatay tanka war xishood oo wax iskufal

  2. Waxan baaritan ku sameeyay buuga qaamuuska af iduurku leeyahay, waxan baaray magacyada ragga waxan Ka waayay (Mubaarik, geeddi, siidoow, xayoow iyo tooxoow) taasi waxay ii caddaysay inaan MUBAARIK uusan iduur ahayn, ugu yaraan uu noqon karo wecel iduur kk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkk kkkk hore ayaana loo yiri wecel ninkiisibaa iska leh kkkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkk haddaba dhallnyarada iduur kkkk kkkk kkk kkk kkkk kkkk kkk kkkk kkkk kkk kkk qofkii yaqaan MUBAARIK ila soo xariir, hooyadaa cay igama mudna haddaad hooyo leedahayba.

  3. ASC.
    Ruuxa anshaxa xun ee wata magaca Mubaarik waa mid isagoo nool dhintay.Waana jaahil an diinta shaqo ku lahayn.Waayo haddii uu diinta Islaamka ah wax ka haysto kuma uu hadleen hadalada ceebeed ee uu caadaystay.War qofku waa qof mudo hore dhintay laakiin uu joogo ruuxiisu.Jaahil an waxba ka aqoon Axaddiista uu ina baray Nabi Muxammad (scw) ee uu yiri qofkii caayo qof kale hooyadiis ama walaashii,habaryartiis ama eedadiis waxuu caayey hooyadiis ama walaashiis ama habaryartiis ama eedadiis.Sifahaasna waxaa ku banaan kan la baxay Mubaarak.
    Magaciisuna waa MAXISHOODE.No more Mubaarak.

  4. Gabadhu waa guday biirsey waan maqlay,waa mareexaan waan maqlay..aakhirkii waxay noqotay ABGAAL …ilaah baa se naga og xaqiiqda iyo waxay tahayba.

    Intii ku dhimatay ilaahay haw naxaristo inta ku dhaawacantayna allah haw gargaaro.

    God bless Somaliland.

  5. Macne badan ma sameynayso qabiilka qofka isqarxiyey su’ashu waxa weeye ma Qadar ba adeegsatay mise imaraat? Wadanka ummado kale ayaa iskuhaysta cidda dhimanaysana wa somaali.
    Allaha unaxariisto somaali

  6. Waayeel ayaan aragtidiisa ku raacsanahay. Soomaaliya faro shisheeye ayaa ku jira. Cida dhimaneysaana waa Soomaali. Kuwa fududeynayaana waa Soomaali. Xafiiskii degmada hadii la qarxiyey, dee Madaxtooyaduna miiskey saarantahay weeye arintu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here